VOA iyo BBC Waxa ay Marin Habaabiyaan Taariikhda Dhabta ah ee Somaliland, Waa in Reer Somaliland Diidaan Waraysigooda.

Waxa caado u noqotay BBC-da iyo VOA in ay taariikhda Somaliland iyo midawgii dhexmaray Somaliland iyo Somalia ay ka been sheegaan si ay u marin habaabiyaan jiilka cusub ee ay wax barashadu ku yar tahay ama aan ka war hayn sidii ama taariikhdii  Somaliland iyo Somalia u midoobeen, wixii keenay midawga iyo waxa keenay kala tagga/noqoshda .

   Hadaba BBC-da iyo VOA-ba marka ay waraysanayaan masuuliyiin ama siyaasiin ku kala kadisan qadiyadda Somaliland iyo Somalia haddii aanay ahayn  su’aalahoodu  sida soo socota,  waa in ay  reer Somaliland diidan ama qaadacaan waraysi ku sheegga ama dooda labadan illo wareed ee dhanka ka raran.
  1. Maxay Somaliland iyo Somalia u midoobeen ?( Si loo badi goobo Somaliweyn iyo Sadexdii maqnaa)
   2. Muxuu u taagan yahay Calanka Buluuglay ee ay ku xardhan tahay xidigta Shangeesoodka ihi?( shantii Somaliyeed labadii israacday iyo sexdii maqnaa)
   3. Somaliland iyo Somaliland waxa ay madax banaanidoodii kala heleen June 26, 1960 iyo Julu 1, 1960 iyaka oo kala ah laba wadan sida xeerka aduunku dhigayo, .( Benaalayaasha BBC -da iyo VOA-du iyo kuwa u hadla Somalia waxa ay ugu yeedhaan labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur si ay u marin habaabiyaan jiritaankii Somliland).
    4. Midawgii Somaliland iyo Somaliland July 1, 1960 ma dhacay awood qaybsi dheelitirani? Maya
    5. Yaa madax wayne  noqday yaa raii’salwasaare noqday ?( Madax wayne Adan Cade ra’salwasaare Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke, )
    6. Yaa ah Madaxwayne  iyo ra’isaalwasaare maanta ? ( Farmaajo iyo Khayre ka soo jeeda Somalia)
     7. Goormaa ugu dambasay raii’salwasaare ama madax wayne Somaliland ? ( Cigaal iyo Cali khaliif Galaydh labduba Raii’salwasaare )
     8. Maxaa keenay inqilaabkii dhicisoobay ee 1961 ee ay ka dambeeyeen saraakiishii ciidamada Somaliland. ( cadaalad darro, caga juglay iyo boob ay wadeen askartii uu tababaray Talyaanigu ee aan lahayn  khibrad ciidan/Military) .
    9. Reer Somaliland maxay ka faa’ideen la midawgii Somalia? ( dil, dhac, gumaad, cadaalad darro, horumar la’aan iyo loo kala qaybiyo beelo, Dir iyo Harti keentayna dhibaatada ka taagan Tukaraq maanta )
   10. Maxaa keenay in ay Somaliland ay dhib u la soo noqoto madax banaanideedii ?
    11. Maxaa keenya in ay Putland u sheegato Sanaag iyo Sool isir ahaan, iyada ay beelo kale la dagan yihiin Harti?
     12. Waa maxay mawqifka Farmaajo/Khayre sheegashada Puntland ee isir ee Sool/Sanaag?
      13. Xuduudda Puntland iyo Gal-mudug  ma Dawga Cagaaran ee kala badha Gaalkacayo-baa?.
       14. Dawlad Goboleedda Gulmudug ma Mudug iyo Galguduudbaa mise waa Gal-guduud iyo Badh?. (Muxuu dhigayaa dastuur ku sheegga Somalia?)
        15. Xuduuda Puntland la leedahy Somaliland iyo Gal-mudug ma mid ku salaysan isirbaa? ( Haa waa in laba oo Daw Cagraan laga sameeyaa Sanaag iyo Sool la mida ka Gaalkacayo).
         16. Mar hadii shantii Somaliyeed ee Somaliland iyo Somalia u midoobeen aanay oolin meeesha, miyaanay ahayn in Somalia Calankeeda badasho iskana ilowdo Somaliland?
          17. Maxay Djibouti ugu soo biiri wayday Somaliland iyo Somalia ee ay Somaliland ula daba taagan tahay Somalia?
           18. Xorayntii Somali Galbeed 1977-kii waxa u shahiiday geesiyaal Somaliyeed, waxa se hogaanka hayay Kali talis, sideed u aragtaa dagaalkii 1977-kii muxuuse Somalida Galbeed  u soo kodhin lahaa haddii Mangistu haysan lahaa ama   Siyaad Barre  haysan lahaa, mar haddii labaduba ahaayeen laba kali talis oo shuuciya/Hantiwadaag , miyaanay ahayn kud ka guur oo qanjo u guur?
            19. Ismaamulka Somali Galbeed  waa gobol ka mida Ethiopia imika marka laga reebo ONLF oo ku dagaal gasha magac beeleed, sideed u argtaa mustaqbalka ama aayaha Somali Galbeed? mar laga hadlayo Somaliwen/shantii Somaliyeed.
             20. NFD waa gobol ka mida Kenya, xorayn dambena meesha way ka baxday sideed u argtaa mustaqbalka ama ayaaha NFD?
              21. Marka aad eegto NFD, Somali Galbeed iyo Djibouti maxaad ka odhan lahayd lasoo noqoshada Somaliland madax banaanideeda, maxaad se uga soo horjeedaan hadaad Somalia tihiin ama u haysaan?
             22. Boqol-kiiba 75, 75% shacabka Somaliland wax ay doorteen/hal cod hal qof, madax wayne iyo baarlamaan matala masiirkooda, maxaa keenay in Somalia tidhaa anagaa u talina?.
              23. Intii taliska Farmaajo/Khayre jiray, waxad moodaa in dimoqraadiyaddii, kulankii bulshada, saxaafadii madax banaanayd iyo laxisaabtankii baarlamaanka ee xukuummada Farmaajo ka baxay meesha, ma kula tahay in reer Somaliland mar labaad ogolaadaan/la midoobaan xukun kali talis ah?
              24. Haddii aad wada hadashaan maanta hogaanka Somaliland idinka oo matalaya Somalia, maxaad odhan lahayd Somaliland-neey waxa aan  idiin waxan oo ka fiican 60-kii ee nala midooba?
                 Mohamud Aaden Samatar
                  samatarapt@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker