Somaliland uma baahna shir beeleedyo siyaasadaysan!.

Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafadda Somaliland, gudo iyo debedba ,qalin maalka xalaasha ah, iyo inta aan kufoognayn, isku dirka iyo wax kastoo bulshada kala fogaynaya. Inta qalinkoodu soo tebiyo wararka tolmoon ee dalka gudihiisa iyo debediisaba kajira.

 

Intaa hadii aan kasoo gudbona, akristow ma ihi qalin maal-qoraal dhaadhiya, oo badweynta qoraaga iyo qoraalka ku dhexjira. Lakiin hadana waxan jecelahay in aan fekerkayga kucabiro, kuna eego, hadba waxa markaa aan u arko in ay daw tahay in laysyara dultaago, si bilaa turxaana, tarbiicona aan lahayn. Hadaan hadaba iskudayo, mawduucan aan isleeyahay, ad maanta wax kataabatid, oo ah arin ayaamahan aad hadal haynteedu, ugu badantahay, mareegaha wararka iyo social media dirkaba, aadna moodayso in uu buuq badan iyo qaylo dhaan badan oo aan loobahnayn uu kusoo kordhiyey saaxadda Somaliland. Oo ah arinta kusaab san shirarka beelaysan, ee madax qaarka mida madax dhaqameedka Somaliland kubaaqeen. Kudarso oo inagu maxukuno dadka Calooshooda,iskumana hawlayno waxa Suldaanka ama Boqorkaasi,uu ula jeedo baaqiisaa Shirka. Lakiin waxaynu kahadlaynaa,shirkastoo beelaysan oo Somaliland dhexdeea lagaga baaqo, ama laga abaabulo mayahay mid loo bahanyahay xiligan?. Mase noqon karaa xal kamida xuluusha iyo tabaha aynu doonayno in aynu kudawyno,xanafihii iyo xariigtooyinkii ay reebtay doorashadii Madaxtooyada ee wadanka, kadhacday, taas oo ay muuqanayso in ay raad xun kureebtay, dadka reer somaliland dhexdooda. Noqotayna hal xidhaale, qof kastoo mudakara ama indheer garada oo wadanka kunooli iswaydiinayo, in ay haboontahay in laga dawoobo, si dadka iyo dalkaba horumar loogu jiheeyo. Inta aan xal loohelina ay adagtahay in dadku ay midoobaan, ama jiho uwada dhaqaaqan. Hadaba akhristow marka aynu kaduulo xaqiiqooyinka aan kor kusoo xusnay,ee sababteeda ugu weyn loo aanaynayey shirar hore oo beelo-siyaasadaysnaa,matahay in aynu maantana,aynu taageerno, shirar danbe oo beelaysan, lagana yaabo inay uu buuq iyo sawaxan aan loobahnayn oo hor-lihi wadanka u horseedo!? Jawaabta kusoo baxaysaa waa maya oo looma baahna, sabatu waxa weeyaan dhawr qodob.

 

1 Sida aynu xogogaal u wada nahay shirarka beelaha, ee noocaan oo kale ah,waxaa kuhoos jira, dano gaara iyo isdiidooyin kala jaada,lagana yaabo in xitaa madax dhaqmeedka laftiisa lagu dago, reerkiibaa shiraya. Iyadoo laga yaabo in siyaasinina arimo ku hoos qarinayaan.

Somaliland xiligan waxay ubaahantahay, wax dadka isu soodhaweeya midnimadoodana kashaqeeya, lakiin uma baahna buuq iyo shirar doceedyo,ay ka dhalan karto xasarado horleh.
Markasta oo shirar beeleedyo kusoo noq noqdaan saaxadda Somaliland,waxaa wiiqmaya, oo ay dhawaac kutahay,hay,adaheena dawladnimo, waxay kaloo kahor imanaysaa hab xisbiyeedkeena curdinka ah, ee aynu doonaynay, in aynu kaga diga rogano habkii beelaysaa—beelnimo ee aynu kasoo gudubany.Waxaa adkaanaysa oo meesha kabaxysa,in qofku isaga oo xisbiya afkaarta xisbiguu doonana qaadan karaya, uu aamino bedelkeeda reernimadda iyo beeshisu afkaarta ay hadba wadato.

Goormay macquul noqon kartaa in reerku shiro?.

Waxaa akhristow laga yaabaa oo muuqata, in ay dad kudoodaan maxaa kamacno ah oo kujaban, hadii reero shiraan,danahoodana wax iska waydiiyaan ? waa sax oo waa feker dad ay qabi karaan, lakiin,waxaa kafiican, in taa bedelkeeda,gobol ahaan, wax laysaga waydiiyo,sida horumarka gobolka,ta dhaqan dhaqaale iwm.Tii oo laga duulayo,horumar kudhisan heer Gobol iyo Degmo.

Reerku waxa uu shiri karaa oo keliya marka. Ay iswaydiinayaan .

A Turxaan bixin dhexdooda ah,sida magta iyo arimaha reerka ee dhexmari kara reerha deriska ah iwm.

Lakiin shirkastoo lagu baaqo, si siyaasadaysana loo abaabulo, waxa uu sii kala furfurayaa oo kala fogaynayaa keliya inta dan wadaagta ah ee reer Somaliland. Maxadax dhaqameedkana waxaa waajib ku ah in ay, dhexda uxidhaan, isku soodhawaynta dhamaan beelaha reer Somaliland.

Duruufahaa aynu soo taa tabanay iyo kuwa kale oo badan ba markaynu eegno waxaan kusoo afmeerayaa Somaliland manta uma baahna shir danbe oo beelaysan oo loogu baaqo,waxaase, kahaboon in xisbiyo iyo xukuumad ,madax-dhaqmeed iyo culimaba aynu xooga saaro, kana shaqayno midnimadda iyo wada jirka Somaliland.

 

Qalinkii
Hussein farah sagal
Gothenburg
swden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker