Dib U Dhac Ku Yimid Kulan Maanta Muqdisho Ay Ku Yeelan Lahaayeen Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada.

Muqdisho-(OWN)-Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeedhay madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo uu qorshuhu ahaa in 17ka bishan oo maanta ku beegan ka furmo magaalada Muqdisho.

Dib u dhacay ayaa loo sababeynayaa kadib markii madaxda maamul goboleedyada dalbadeen in ka hor shirka la siiyo sida ay hadalka u dhiggeen dammaanad qaad buuxa oo siyaasadeed, islamarkaana la helo gacan kale oo saddexaad oo arrimaha leysku hayo dhax-dhaxaadisa.

Qodobbada looga hadli lahaa shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaadhsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Golaha Amniga Qaranka waxaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda oo shir ay ku yeesheen dhawaan magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in ay hakiyeen xidhiidhkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, ilaa amar dambe.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen in dowladda federaalka ay ka gaabisay in maamul goboleedyada ay kala hadasho tabashadooda, midaasina aanan loo baahneyn, waxaa hada socda dadaalo ay wadaan aqalka sare oo ay isugu soo dhaweynayaan dhinacyadan uu khilaafka ka dhaxeeyo.

Image result for maamul goboleedyada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker