Dagaal culus oo mar kale maanta ka dhacay Jubaland

Wararka ka imanaya Jubaland ayaa sheegaya in iska horimaadyo cusub ay dhexmareen ciidamada amniga iyo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dagaalkan, oo daba-socday hawlgallo socday, ayaa ka dhacay maanta meel u dhow degaanka Weelmaaro oo 45km dhinaca Bari ka xigta Afmadow.

Hawlgallada ayaa daba socday kuwii Axaddii ay sameeyeen ciidamada maamulka iyo kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka ayaa u sheegay idaacadda VOA in qarax lala beegsaday ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka.

Khasaaraha hawlgalladan iyo qaraxa dhacay ayaan weli rasmi ahaan loo shaacin.

Hawlgalkii dhacay Axaddii ayaa lagu dilay toban ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab oo ku dhintay duqayn ay gaysteen taliska Afrika ee ciidamada Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker