Shirkadda Maraakiibta Maersk oo Badda Cas ka wareegtay

Shirkadda maraakiibta ee Maersk ee laga leeyahay Denmark ayaa sheegtay in ay ka sii dareyso dhibaatada socodka maraakiibta ee Badda Cas. Sababta ayey ku sheegeen weerarada ay qaadayaan Xuutiyiinta ay gaarayaan meelo ka baxsan xeebaha.

Maersk waxay sheegtay in qiyaas ahaan shirkadaba maraakiibta ay lumiyeen 15% ilaa iyo 20% awoodooda jidadka bariga fog ee Mediterranean-ka iyo Waqooyiga Yurub.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay jidadkooda ku dareen dhinaca Koonfur Afrika si ay buuxiyaan wixii kaga lumay dhinaca Baddacas. Balse waxay sheegeen in shidaalka ay isticmaalaan uu kordhay 40% in ka badan intii hore.

Khamiistii ayey shirkadda Maerks sheegtay in aysan awoodin in ay isticmaalaan badda cas ilaa dhammaadka sanadka taas ay ka timid weerarada Xuutyiiinta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker