Kuriddu Ma Aha Malaa’ig PKK-na Waa Urur Argagixiso Oo Ka Xun ISIS”.Trump Oo Taageeray Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ammaanay go’aankiisa la yaabka lehaa ee uu ciidammada Mareykanka kaga saaray dalka Siiriya waxana uu ku tilmaamay mid istiraatiiji ah, tan badalkeedana waxa uu gaashaanka u daruuray in Maraykanku uu cidleeyay saaxiibkiisii Kuriyiinta eek ala qayb qaatay dagaalkii ISIL isaga oo yidhi “Kurdidu ma aha Malaaig”

Madaxayne Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad Arbacadii, ayaa Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee magaciisa loo soo gaabiyo (PKK) cambaareeyay kuna yilmaamay mid halis badan oo mudo dheer u hub urursanayay Turkiga, waxana uu ku tilmamaay PKK mid ka halis badan ISIL

“Hadda PKK, oo ah Kurdiyiin, sida aad ogtihiin waa argagixiso, waxana ay astaamo badan la wadaagaan, ama ka khatar badan yihiin ISIL” ayuu yidhi isaga oo tixraacaya kooxda ISIL ee argagixisada ay u aqoonsadeen Maraykanka, Midawga Yurub iyo Turkiguba.

“Kama qeyb geli doono dagaal udhaxeeya Turkiga iyo Siiriya, gaar ahaan, marka uu Turkigu beegsanayo Kurdiyiinta, waxaanan ugu celinayaa mar labaad si xusmad leh oo waxan ku leeyahay Kuridu ma aha malaa’iS” ayuu raaciyay.

Hadalkan Trump ee ay ku diirsatay Ankara ayaa waxa uu ka dambeeyay warqad canaan iyo hanabaad xambaarsanayd oo uu Trump u diray Madaxwayne Erdogan, taas oo uu hogaamiyaha Turkigu qashinka ku daray kuna tilmaamay mid aanan cabsi ku abuurayn, dibna aanu uga laabanayn weerarada uu ku baacsanayo Kuriyiinta Suuriya.

Kuriyiinta Suuriya ee uu Turkigu u aqoonsaday argagixisada ee uu dagaalka ku ekeeyay ayaa ka kooban laba urur oo kala ah Ciidamada Dimuqraadiga ee Siiriya (SDF), iyo kuwa kale oo magacoodu yahay Cutubyada Ilaalinta Kurdida (YPG), waxana la aasaasay ururradan sanadkii 2015, waxana ay Mareykanka ka caawisay dagaalkii uu kula jiray ISIL.

Xukuumada Ankara ayaa iyaduna dhankeeda hawlgalada ay fulisay Siiriya ku micnaysay mid ka soo horjeeda maleeshiyaadka YPG, oo ay u aragto koox argagixiso ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker