Siduu xanuunka Coronavirus u dilaya dadka?

Haddii aad caafimaad qabto, gaar ahaan aanad lahayn xiiq, dhiig kar iyo macaan, isla markaana aanad sigaar cab ahayn, da’daaduna 50 jir ka hoosayso, %98 waxay u badantahay inaad ka badbaadayso Coronavirus, weliba waxay u badantahay inaanad xanuunba dareemin.
Laakiin waxaad tahay khatar la mid ah gantaal Nuclear ah, waxaad khatar ku tahay bulshada u nugul xanuunka inaad ku fidiso oo aad halakayso, waana sababta dalalku ay dadkooda bandooda ugu soo rogeen.
Caruurta yayar ee da’doodu u dhexayso 1 sanno jir ilaa 19 sanno jir iyagu wax alla iyo wuxuu ka qaadaya ma jirto xita hal calaamad ah ma yeelanayaan ( way jiraan caruur uu dilay xanuunka Coronavirus laakiin waa tiro aad u yar badankoodna waxay hore caruurtaasi u lahaayeen xanuuna halis ah) , laakiin xanuunkii ayey fidinayaan, oo ugu yaraan 2 todobaad ayaa iyagoo caafimaad qaba ay fayruskii gudbinayaan.
Fayruskani COVID-19 wuxuu u adeegsanaya caruurta iyo dadka da’da dhexe ee caafimaadka qaba ee aan sigaarkana cabin, sidii gantaalka nuclearka loogu adeegsado oo kale inuu ummadda haligo.
Xanuunka Coronavirus Siduu dadka u dilaya
Labada maalmood ee ugu horeeya wuxuu ku bilaabaya qofka xumad qayral macquul ah oo u dhexaysa 38 Degree ilaa 42 Degree.
Maalinta seddexaad ayuu qofka ku bilaabaya qufac engagan (Dry cough) kaasi oo markaad qufacayso laabta ka soo bilaw labxada ilaa dhuunta aad moodayso inay ku soo ruqayso ama go’ayso.
Xanuunku marka wuxuu ku uruuraya cunaha ilaa neef mareenka, Waa isla judha markay noloshaadu geeri iyo nolol u dhexaynayso, haddii laabtaada ilaa sanbabadaadu ay caafimaad qabaan oo nadiif yahiin, waxay u badantahay inaad ka adkaato inaanu xanuunku neefta kugu xidhin amminta ay xaaladaasi ku haysa gabigaba waa wax ku siman 6 ilaa 12 saacadood, ayuu neef mareenkaaga dagaal cir iyo dhul ahba ku qaadaya, laba mid ayuunbay noqon inaad ka adkaato iyo inuu ka adkaado, qadarka Allah ka sokowna, waxay ku xidhantahay kolba laabtaada (sanbabadaada iyo neef mareenkaagu) siduu u nadiif yahay, haddii sigaar dishooday khatar 70% ilaa 80% ayaad ugu jirta inaad u dhimato.
Dadka Qaba Macaanka iyo Dhiig-karka
Dadka neef mareenku aanu xidhmin, balse macaanka iyo dhiig karka leh, wuxuu ku samaynaya COVID-19 inuu macaanka 5 jeer kor u kiciyo intuu ahaa, dhiig karkaagana hoos u rido laba jeer intuu ahaa, dadka sida uu ku sameeya 50% way uga badbaadi badanyahiin dadka uu neef mareenka ka weeraro waa hadday daryeel caafimaad oo deg deg ah hellaan, 30% dadka uu dilay xanuunka Coronavirus waa dad qabay dhiig kar ama macaan.
Badiba dadka COVID-19 uu macaankooda meel halis sare geeyo, dadka dhiig karka lehn uu si xawli ah hoos ugu rido, dhakhtaradu waxay ku samaynayaan inay koomo galiyaan (Induced deep coma) si ay uga ilaaliyaan in unugyada muhiimka ee jidhka aanu dhaawac u gaadhin, waxaanay siiyaan dawooyin sida Insulin ay macaanka ku dajinayaan, isla markaana dhiiga hoos u dhacay (Hypotension) ay kor usoo qaadan.
80% dadka uu dilay COVID-19, waa dad xiiq lahaa ama qabay xanuunadda neef mareenka sida xiiqda ama sigaaryo cab ahaa.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker