Deni Oo Ku Dhawaaqay In Hal Milyan Oo Dollar Ku Bixinayaan Gurmadka Abaaraha.

Magaalada Garoowe waxaa xalay ka furmay Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland, kaasoo ah Shir loogu qareemayo dadku abaaruhu saameeyeen ee ku nool deeganada Puntland .

Shirweynaha oo ay soo abaabuleen Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha, Madaxweyne xigeenka, Ergeyga JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, Culimadda, ganacsatada, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee reer Puntland.

Madaxweynaha Puntalnd oo daahfuray sanduuqa Gurmadka Abaaraha Puntland, ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu ku yaboohayo hal milyan oo Doollar.

“Iyadoo waxa aan hadda qabanay aan sheegnay ayaa waxa soo socdo si looga qabto sanduuqaas dowladdu waxay ku shubeysaa oo ay ku bilaabeysaa lacag hal milyan ah inay dowlad ahaan bixiso, oo daqliga dowladda looga jaro.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker