Faransiiska oo war ka soo saaray shilka diyaarada uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin

Faransiiska ayaa sheegay inuu jiro “shaki macquul ah” oo ku saabsan sababta keentay burburka diyaaradda loo maleynayo inuu uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin.

“Weli ma garanayno xaaladaha shilkan. Waxaan leenahay xoogaa shakiyo oo macquul ah,” afhayeenka dowladda Olivier Veran ayaa sidaas u sheegay telefishinka France 2, AFP ayaana werisay.

Waxa uu intaa ku daray in madaxa Wagner uu ahaa “ninkii qaban jiray shaqada wasakhda ah ee Putin.

“Prigozhin waxa uu ka tagayaa xabaalo wadareedyo,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeedo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee kooxda Wagner ee ay ka geysatay guud ahaan Afrika, Suuriya iyo Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker