Somaliland: Yeeli Mayno Muddo Kordhis Dambe iyo Doorashooyin Baaqday

Waxaa maanta Hargeysa ku kulmay Golaha Guurtidda Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxay ka wadahadleen qabitaanka doorashada barlaamanka iyo dawladda hoose oo la filayey in la qabto bisha Disember, 2019.

Shirkaa ka bacdi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, “Saleebaan Gaal” ayaa u sheegay warbaahinta Somaliland in aan la qaban doonin doorashooyinkaas. Wuxuu Saleebaan Gaal marmarsiyo ka dhigtay, warbixinta ay Golaha Guurtida siiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Haddii ay  arrintani run noqoto, waa nasiib daro. Waa wax aan la aqbalayn. Waa markaa seddexaad ee barlaamaan fadhiyey dhowr iyo tobban sannadood, oo qudhmay, oo bukhuuray, oo fashilmay, oo an waxba isku falayn, muddo kordhis loo sameeyo. Waa ayaan darro. 
 
Waxaa ka sii daran,  Golaha Guurtidda iyo Guddiga Doorashooyinku waxay eedeyeen xukkuumadda, xisbiyadda Qaranka Somaliland iyo barlamaanka Somaliland, oo ay leeyihiin waxay ka soo bixi waayeen hawlahoodii, hadday noqoto maalgelinta doorashooyinka, ama sharciga lagu qabanayo doorashooyinka amaba xisbiyaddii oo kala noqday kalsoonidii Guddiga Doorashooyinka.
 
Markaa, Saleebaan Gaal iyo Guddiga Doorashooyinku waxay ina leeyihiin, Somaliland way fashilantay. In wixii loo soo halgamayey, ee dad farabadan naftooda u horeen, in ay kuwa maanta jooggaa iska lumiyeen. Yeeli Mayno.
 
Warkaa maanta ka soo baxay afka Saleebaan Gaal, haddii wax laga qaban waayo, cadowgii inoo jabi, saxiibadeenna niyad jabi. Yeeli Mayno.
 
Maanta, haddii aan ahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan isticmaali lahaa “emergency decree” xukun deg-deg ah, waxaan eryi lahaa dhamaan Golaha Guurtida, Golaha Barlaamanka iyo Guddiga Doorashooyinka, oo aan ku bedel laahi, Golayaal ku meel gaadh ah, ilaa iyo inta doorashooyin la qabanayo sannadkan. 
 
Yeeli mayno muddo kordhis dambe, yeeli mayno been iyo musuqmaasuq lagu burburiyo dalka iyo dadka, yeeli maynoqabiilnimmo ina kala firdhisa, yeeli mayno wixii loo soo halgamey in lagu ciyaaro. Yeeli mayno in Somaliland ay geed ku xidhaan golayaal iyo guddiyaal iyo siyaasiyiin fashilmaay. 
 
Yeeli Mayno.
 
 
Wa Bilaahi Towfiiq
 
 
Axmed Kheyre
ruraledcomm@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker