Kooxda Arsenal oo Heshiis la Saxeexatay Ciyaar Yahanka Reer Japan ee Takehiro Tomiyasu

Oodwaynemedia  (Hargeisa)    Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday heshiis cusub ay ku xoojineyso  difaaceeda, kaddib markii ay heshiis la gashay daafaca reer Japan ee Takehiro Tomiyasu.

 

 

Kooxda reer England ayaa ku shaacisay website-keeda, saxiixa 22 jirka daafaca caalamiga ah ee reer Japan, Warbixinta Gunners ayaa lagu timaamay in Takehiro Tomiyasu uu u xiran doono lambarka 18-aad.

 

 

Warbixinta kooxda ee heshiiska ayaa laga soo xigtay Agaasimaha farsamada kooxda ee Edu, wuxuuna yidhi.

“Ciyaaryahankan heerka caalami ah  ee reer Japan Takehiro Tomiyasu ayaa ku soo biiray kooxda reer London isagoo ka yimid Bologna, heshiis waqti dheer ah,”

 

 

 

“Waan ku faraxsanahay inaan la soo wareegno Tomiyasu, waxaan daawaneynay in muddo ah, haddana waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis la gaadhnay Bologna, taasoo muhiim u ah awoodda kooxdeena.”

 

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in qiimaha ay heshiiska Takehiro Tomiyasu ku dhammeysay uu yahay adduun dhan 20 million euros.

 

 

Tomiyasu ayaa ku fiican inuu ka ciyaaro difaaca dhexe iyo daafaca midig, waxaana la filayaa inuu bedelo Hector Bellerin oo heshiis amaah ah ugu wareegay Real Betis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker