Duqa Barcelona oo waraaq yaab leh u diray ra’iisal wasaaraha Israa’iil

Duqa magaalada Barcelona Ada Colau ayaa jartay xidhiidhka rasmiga ah ee magaaladeedu ay la leedahay dalka Israa’iil, iyada oo ku eedaysay in dalkaasi uu ku kacay “dembiyo la xidhiidha, midab takoor ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta”.

Go’aanka ay qaadatay maayarka Barcelona ayaa saamayn yar ku yeelanaya dawladda Israa’iil, hase ahaatee waxaa tallaabadani keeni doontaa in meesha laga saaro, heshiiska 25 jirsaday ee lagu mataaneeyey Barcelona iyo Tel Aviv.

Magaalada Barcelona oo caan ku ah dhinaca dalxiiska, iyo xataa kooxaha kubadda cagta ee dunida ugu magaca dheer, ayaa tallaabada ay qaaday wuxuu si guud u muujinayaa, dhaleecaynta sii kordhaysa ee ka dhanka ah dalka Israa’iil, taas oo lagu eedaynayo inuu ku kaco falal midab-takoor ah.

Israa’iil ayaa iyadu diiday eedaha loosoo jeediyey, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin uun Yuhuud Nacayb.

Maayarka ayaa waraaq u dirtay ra’iisal wasaaraha Israa’iil taas oo ay kula socodsiinayso go’aankeeda, iyada oo u sheegtay inay tallaabadani jawaab u tahay, olole xooggan oo ay sameeyeen ururo kala duwan oo maxalli ah iyo kumanaan qof oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga ah.

Maayarka ayaa tusaale u soo qaadatay qaar ka mida siyaasadaha Israa’iil ee laga cabanayo oo ay ku jirto, in milateriga dalkaasi uu muddo ku siman 55 sano inuu haysto Daanta Galbeed, “qabsashadii bariga Jerusalem iyo dib u deegaamaynta dhulalka Falastiiniyiinta.

Dawladda Israa’iil ayaa beenisay eedaha loo jeediyey iyada oo go’aankan ku tilmaantay mid ku salaysan Yuhuud nacayb, iyada oo ku tilmaantay arrin nasiib darro ah.

Warbixintan waxaa qortay AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker