Baadhitaanka Rabshadihii Ka Dhacay Jigjiga Oo Lasoo Gabo Gabeeyay Iyo Amar Laga Soo Saaray 46 Ruux.

Jigjiga-(OWN)-Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya ayaa soo gabagabaysay badhitaanka qasaarahii ka dhashay rabshadihi ka dhacay magaalada Jigjiga bishii August ee sanadkii 2018kii.

Zinabu Tunu, oo ah sarkaalka xiriirka dadweynaha ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ayaa sheegay in intii ay socdeen rabshadihi Jigjiga la dilay 58 qof sidoo kalena la dhaawacay 266 qof, 10 dumar ahna la kufsaday, balse kufsigu uu intaasi ka badan karo.

Xeer ilaalintu waxa ay intaasi ku dartay in rabshadahaasi sidoo kale ay ku burburtay hanti dhan 421 million birr.

Warkan ka soo baxay xeer ilaalinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in rabshadahaasi ay ka dambeyeen dhalinyaro loogu magac daray “Heego” iyo Xubno ka tirsan ciidanka Liyuu Police-ka.

Xeer ilaalinta ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo 46 qof oo uu ku jiro Taliyihii ciidamada Liyuu Police-ka Cabdiraxmaan Buraale (Labagolle) balse hadda waxaa gacanta boliiska ku jiro 6 ka mid ah 46 qof ee la amray in la soo xidho

Ugu dambayn waxaa la aas aasay guddi gaar ah oo ka shaqayn doona sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnaha baxsadka ah hadii ay ku suganyihin gudaha dalka iyo Dibadiisaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker