Jilaaga Caanka Ee Reer Masar Oo Xukun Xabsi Hal Sano ah ku Riday Maxkamad

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa hal sano oo xabsi ah ku xakuntay jilaaga caanka ah ee Mohamed Ramadan, kadib markii lagusoo eedeeyay dembi ah gef Aflagaaddo ah.

 

Waxa lagu eedeeyay ugu horreyn in diyaarad gaar ah uu saarnaa uu duuliyahii ka codsaday inuu galo halka diyaaradda laga hago. Kadibna uu iska duubo muuqaal, kuna baahiyay baraha arrimaha bulshada.

 

Arrintaasi ayaa dhalisay in duuliyahii diyaaradda lagala noqdo shatigii duuliyannimada.

Intaas kadib duuliyahii ayaa waxa uu ku andacooday inuu Ramadan ka Aflagaadeeyay telefashinka , isagoo sheegay in duuliyaha uu lacag weydiistay isaga oo ka dalbaday inuu shaqadii laga ceyriyay uu mag dhow ka siiyo.

Hase-ahaatee maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Mohamed Ramadan loo xeray dembi ah Aflagaadeyn, balse aysan aheyn inuu galay halka diyaaradda laga hago.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker