Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha , Isbarbar dhigga Laacibiinta Cristiano iyo Leonel Messi

Manchester City Oo Qarka U Saaran Inay Man United Ku Garaacdo Difaac Uu Solskjaer Sii Ballansaday

Kooxda kubadda Cagta Manchester City ayaa qarka u saaran dhamaystirka heshiis ku kacaya £35 milyan oo Gini oo ay Bournemouth kagala soo wareegayso difaaca dhexe ee Nathan Ake.

 

 

25 jirkan oo lala xidhiidhinayay kooxaha waaweyn ee Premier League, gaar ahaan Manchester United oo dhowaan la arkay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo lasii dardaarmaya, ayaa la sheegay in Manchester City ay qaadday tallaabo ay kooxaha kale kaga hormarayso.

 

 

Pep Guardiola ayaa xili ciyaareedkan dareemay baahida uu u qabo inuu iska xoojiyo khadka dambe ee difaaca, iyadoo uu ku qasbanaaday inuu Fernandinho ka kexeeyo dhexda oo uu difaac ka dhigo maadaama ay Laporte dhaawacyo daashadeen, isla markaana Otamendi iyo Stones aanu heerkooda ciyaareed ku qanacsanayn.

 

 

Laacibkan reer Holland ee Ake ayaa shiishka Manchester City uu qabtay, waxaana helitaankiis u fududayn doonta Bournemouth oo guul-darradii Axaddii kasoo gaadhay kulankii Southampton ay qarka u saartay inay horyaalka Premier League ka dhacaan.

 

 

Kaalinta 18aad ee ay kaga jiraan miiska kala sarraynta Premier League, waxay ku riixaysaa Nathan Ake inuu ku riixo kooxdiisa inay iibiso.

 

 

Heshiiska Ake iyo Bounremouth waxa ka hadhsan laba sannadood, balse booska ay kooxdu kaga jirto horyaalka ee ay halista ugu jirto inay dib ugu degto Championship-ka ayaa ciyaartoyda waaweyn ku kellifaya inay mustaqbalkooda ka fikiraan.

Haddii ay Manchester City dhamaystirto heshiiskan, waxa uu Ake noqon doonaa saxeexii ugu horreeyey ee Pep Guardiola uu sameeyo xagaagan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker