Dawlada Kenya Oo Dooneysa Inay Dawlada Somaliya Baado………. See Arrin Yahay !

Waad la socotaan oo jafa’a jiriq baa ka dhex bilaabmay dawalada Kenya iyo Dawlada Somaliya tii ooy iminka cadaatay Kenya inay doonayso inay baado ummada afsomaliga ku hadasha ………. Siday caadadu ahayd marka lagu soo duulo ummada afsomaliga ku hadasha cirdigooda , maalkooda iyo naftooda Jaalle Muuse Biix Cabdi cadowga ummada afsomaliga ku hadleysa ayuu garab u noqdaa sidaa awgeed safiir  Baashe Cawil wuxuu xusul duub ka bilaabay Nairobi iyo Kenya na ictiraafa wuxuu yidhi maqaal qora jariidada ” The Star ” oo ah jaridadii sawirka beenta ah ka samaysay  Jaalle Cirro oo la fadhiya Jaalle Cumar Shuluq Ina Cabdirashiid doorashadii ka hor .

Wiilka safiir Baashe cawil ah cid jawaab buuran siisay ma jirto dawlada Kenya ninkuu la xidhiidho ee Jaalle James  Mureu ( Mirow ) Gudoomiye ka ah  rugta ganacsiga ee kenya oo ka yimi gobolka qaadka Mirowgu ka baxo  wuxuu u sheegay inaan nuuxnuuxsi siyasadeed arrinkan uga banaaneyn Safiir Baashe Cawil ooy tahay qadiyad iyaka iyo dawlada federaalka ah ka dhaxeysa waxa xusid mudan in Safiir Baashe Cawil xaaji Cumar ninkaa hore ugu yidhi  Hargeysa waxa laga dalban doona qaadka Mirowga oo Malayiin Dollar Kenya ka faa’idi doonto arrinkaa ooy dhabar jabin oromaysan ku sameyeen Madax dhaqameed Oromo ka socda oo Hargeysa yimi ……. inta kadib waxa la arkayey Uncle Tom ka Horjoogaha ka ah wasaarada Khaarijiga  Macaali Wasiir  Faratoon ninkasoo  ku dhawaaqayey safaarad kenya leedahay ayaa Hargeysa laga furayaa waar ninku miyaanu Ashraaftii Jaamac Siyaad ahayn waar miyaanuu nimankii DARAWIISHTA ahaa  ahayn sidee cadow baadaya Ummada Af-Somaliga ku hadasha suu gacan saar ula yeeshee ragii Ingiriis sheegay miyaanu kasoo jeedin .

Yeelkeede aynu ku noqono jariidada ” The Star ” oo hore waysadu uga jabtay mar ay Gudoomiye Cirro sawir been abuura ka faafiyeen tasoo Xisbiga Kulmiye lacagta bixiyey markii uu la xidhiidhay dabqoodhiga Jaalle William Pike oo ah maamulaha tafotiraya ” The Star ” ,  Journalist ka  uu shurruurka  ama qabaxda uu siiyo Safiir Baashe Cawil ee Kenyan ka ah waxay u  shegeen in maqaal dhex bood ah iminka laga fiican yahay oo uu yara sugo inta siigadu dageyso meesha waa laysku galay ee  …………Jaalle William Pike isagu waa nin cad oo Ingiriis ah…

Arrinku  Suu ku bilaabmay dawladii Kenya ayaa cadho Allah u timi  bisha February  16 / 2019 oo eriday safiirkii Somaliya u fadhiyey Nairobi goor asbuuc laga joogo xaraashkii U.K ee London ee khayraadka Somaliya …….. Sua’ashu waxay tahay  Kenya waxay ku jirtaa barwaaqo sooranka ( Common Wealth ) London waa gurigeedii labaad markii xaraashku dhacayey iyo markii xaraashka lagu socday maxay u qaylinwayeen ,…See shirkadaha caalamiga ihi siday ku xaraashi karaan meel lagu muransanyahay oo Maxkamada caalamka ( ICC ) ku jirta ?!! labadaa su’alood jawaabtoodii Dawlada Kenya ayaa bixisay markay soo saartay shuruudo cusub si loo wada hadlo Somaliya .

Shuruuduhu waa sedex marka la soo gabiyana waa ” ku qabso ku qadi mayside” sheekadan waxaanu hubnaa 100% inay Somali/Kenyan ka dambeyaan  isleh batroolka wax ku yeesha NFD ahaan waayo qodobadu waa ISQAAWIN DIBLOMAASIYADEED WAA BAAD CADAANA OO LOSOO CUMAAMADAY, mid baan ogahay dadka dawlada maamulaya Kenya marka laga reebo dhawr la taliye oo Somali/ Kenya ah waa dad  waxbartay u malayn mayno sheekadan qadhmuun ee iimanka la’a inay la shir iman lahayeen ……………. maxay yihiin sedexda qodob siday u dhigeen warbaahinta Kenya  :

1- Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybo ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska.

2- Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidhmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

3- Shuruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gadhaan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

Waxay Kenya la bacbac leedahay waa qodobka sedexaad in Maxkamada caalamka ( ICC ) ay Somaliya joojiso si qudbo siro arrinka looga dhigo waayo way ogtahay Kenya inay sharciyan kiiskan wax ku helayn ……………Waar Jaalle Madaxweyne Farmaajo waraaqdii aad kaga naxsatay Kenya ee ay Wasaarad khaarijiga Somaliya qortay inta caalamka af Somaaliga ku hadashaa waa ku diirsatay markaa qola halkani Jaalle Farmaajo Diiriye ayey ku lahayeen , Waar hadaad Allah taqaanid nimankaa Kenya miis hala fadhiisan aad kaga hadlayso shidaalkaa waxaad tidhaah 20 Million oo Somali ah ayaa ilaashanaya kista yar WAXAYNA COD DHEER KU LEEYIHIIN WEERSHOW WAA INOO BANAANKA KENYAAY WAA INOO MAXKAMAD CAALAMKA ( ICC ) , MARKAA KENYAAY RAALI AHAADA ARRIN MADAXWEYNAHAN , KA DAMBE , KA KUNAAD KU XIDHAN MAHA WAA ARRIN QARAN HAL CEEL HADAAD QADATAAN MARKAA CALANKANA QAATA TASINA WAA YAHUU IYO HABAAR.

Ahmed Jigga

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker