Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Digniin U Diray Maamulka Puntland

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga digay maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku soo xad-gudbeen deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland gaar ahaana gobolka Sool.

Waxaanu uga digay maamulka Puntland in ay ka waantoobaan faro-gelina ay ku hayaan dhulkaasi, isla markaana uu yahay dhul ka mid deegaamadda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Tuuladda la yidhaahdo Hadhwanaag, oo Buuro-wadal ka sokaysa, oo ka tirsan gobolka Sool, waxaa jira in dhawayto, in maamulka aynu jaarka nahay ee Puntland halkaa in ay ku soo fideen.

Fariin adag baanu u diraynaa, waxaanan u sheegaynaa in ay ka waantoobaan. Dhulkaa anaga ayaa iska leh, waxna isuguma keen jiraan. Dhul inagama dhexeeyo, laba dawladood baynu kala nahay.

Waxaan uga digayaa Puntland, xadka gobolka Sool in aan lagu soo xad-gudbin. Ka waantooba ayaanan leeyahay”.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in haddii ay Puntland joojin waydo faro-gelinta ay ku hayso deegaamadda gobolka Sool in ciidan, shacab iyo dawladba ay Somaliland diyaar u tahay in ay dhulkeedda difaacato.

“Dhamaantayo, shacab, ciidan, iyo dawlad ba, waxaanu u taagan nahay, dhulkayaga in aanu ilaalino. Fariintaasi adag ayaanan nimankaasi u dirayaa. Lagumana arki karro mar danbe, loomana ogolaan doonno. Meeshaasi oo 30KM degmadda Boocame, u jirta. Mana aqbali doono.

Waxaanan leeyahay Puntland derisnimo wanaaga ilaaliya. Idinkuna ha nagu soo xad-gudbina, oo dhul iyo dad iyo deegaanba waynu kala leenahay” ayuu yidhi C/qani Maxamuud Jiidhe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker