Talo Kusocota Badhasaabka Cusub: Gobolka Daadmadheedh uma baahna qof sida arooska lasii dhaweeyo marna la soo dhaweeyo+Sayid Maxmed Darwiishka

Gobolka Daadmadheedh uma baahna qof sida arooska lasii dhaweeyo marna la soo dhaweeyo, balse waxa uu u baahan yahay qof lala xisaabtamo oo wax loo sheego.

Badhisaabka cusub dhawr qodob waa u nasteexo:

1. Ugu horreyn badhisaabku Guriga martida yaannu degin ee guri gaar ah ha kireysto, sababta oo ah gunnimo ka maqani ma jirto magaalo aan guri martiyeed lahayni, oo marti u timi lagu sooryeyn kari waayay. Ceeb caleek. Hadda ma fahan tahay?

2. Badhisaabku yaannu bulshadiisa kala qaybin oo daacish iyo daalibaan u kala bixin sida dhawaanahan ba dhacday.

3. Yaannu badhisaabku rumaysan war walba oo loo keeno, sababta oo ah waayadan Oodweyne waxa ku soo badanaayay warsidayaal uu wax sheeggu shaqo u noqday.

4. Yaannu gurigiisa guuto ciidan ah ku xeerin sida goob faraneed, balse albaabadiisu ha u furnaadaan ka ladan iyo ka liitaba. Gaar ahaan danyarta.

5. Bulshada ha dhex maro oo indhahiisa ha ku arko waxa jira iyo waaqica bulshada ee yaanu xaalkiisu noqon “Daad wararac bay tidhi.”

6. Yaannu cid walba, cod walba iyo ciidan walba iska raacin, ee hortiisa ha eego inta aannu tallaabsan.

7. Badhisaabku yaanu salafiyiinta un u raxleyne ee bal suufiyadana ha dhegaysto. Sababta oo ah labadu ba waa dad diineed ee ma kala aha wadaad iyo wabiin. Waayadanna Gobolka waxaa ka jiray ifafaale u muuqda dagaal-diimeed in loo xiisay.

8. Ummaddan Siyaad Barre ayaa afkooda xidhi kari waayay ee yaannu is odhanin xadhigaa xal ah. Sababta oo ah haddii xadhig uu cid cabudhin lahaa waxa uu cabudhin lahaa Jamaal Khaajooqsiga Gobolka Daadmadheedh Aqoonyahan Cartan Golongol.

9. Yaannu labo cishana Oodweyne joogin labaatan cishana Hargeysa laafyoone ee shaqadiisa ha ku koobnaado oo goobjoog ha ahaado.

10. Sida Badhisaabkii hore yaannu sameyn deegaanno cusub iyo tuulooyin miidhan oo wada reeraysan, balse ha ka joojiyo Gobolka sababta oo ah deegaankii waa sii nabaad guurayaa waana sii wada reeroobaaya.

11. Dawladda Hoose yaannu ka didin ee ha la shaqeeyo, balse ha iska ogaado waxaa ku jira midhadh afarta haadba goynaaya e.

12.Badhisaabku salaadda ha oogo hana ka soo qayb galo jamaca, oo yaannu sida dumarka guri sijaayad dhigan.

13. Ugu danbayn Badhisaabku ha ogaado danyarta magaaladu in ay tahay cidda ladan, wixii taakulo ahna inta afka ku shubataa, waa inta ladan. Sida darteed ha ogaado danyarta in ay dulman yihiin.

Qodobaddaa haddii uu Guddoomiye dhaqan galiyo waa si wacan, haddiin kale waa kud ka guur oo qanjo u guur.

Sayid Maxamed Darwiishka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker