Xamar Kulmiyena wuu u dareeray Waddanina waa lagu dacaayadeeyaa

Dhaqane iyo Dhaashane dhalin weeye magaalo.Dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato.Dhafoor taabasho weeye.Dhibtana la iskuma eego.Dayli way kaftamaan .Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita .Warkoodaa ku dhamaadee .Kaalay oo bal dhegayso.
Dhaqane:waar heedhe sowkan Kulmiye Xamar u dareeray .Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada caafimaadka.Hassan Dahir Dhinbiil.Wasiirul dowlihii hore ee wasaarada cadaalada ee kulmiye Khadar Axmed Diiriye.Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada arimaha debeda Axmed Guray .Agaasimayaa.Sidoo kale waa markii koobaad ee xataa telefoonadeenu xamar ka soo wareegaan.Waar dadka saani wax ugu sheega oo waxaad tidhaahdaan adeer Xamar baa la inaga xukumaa.Anigu waan iska Garanayey markii Aqalka sare Xamar adeerkii loo dhiibay in xamar la inagu wado.
Dhaashane;Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa :(Faysal Cirro ciyaar ugama fuqo) .Wale shaambadaasi ciyaar idiinkama fuqdo hadaa Waddani tihiin .Waligiinba nagu xoqda.
Dhaqane;Waar heedhe waxaa iga daayoo derbi jiifkii mas ii dayseen?
Dhaashane:Adeer sharciga waa loo siman yahay .Ama derbi jiif ahow ama daar dheer jiif ahow.
Dhaqane;O shirkii Kulmiyena ma hadaa tidhaahdeen qofkaanu anagu doono oo qudha ayaa imanaya?
Dhaashane;Waar Kulmiye waa xisbi guun ah dee .Ma kuwiinan socod baradka ah baad moodaysaa.
Dhaqane;Run iyo been waxay tahay mooyee anigu waxan maqlay qofkii aan 80 kii milyan ee daynta aheyd aan wax ka bixine ma iman maayo.
Yeelkeedee imika waxan wada hees tidhaa;
Ku dayo dowlad deegaanka somaliyeed ku dayo
Ku dayo Mustafe cagjar ku dayo.
Waa qalinkii:Baxnaan xaaji adeen diiriye
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker