Dalka Singapore oo Markii ugu Horraysay ay Madaxwayne ka Noqonayso Haweenay Xijaaban

Dalka Singapore ayaa markii ugu horreysay waxaa madaxweyne ka noqoneysaa haweeney muslim ah. sida laga soo xigtay wargayska Huffpost.

 

Xalima Yacquub, waa haweenay Muslim ah oo ku Labisata xijaabka, waxaa lagu wadaa in xilkeeda loo dhaariyo maalin kaddib. Xalimah ayaa noqonaysa madaxweynihii Sideedaad ee uu dalkaas yeesho.

 

Xalima ayaa ahayd musharaxa kaliye ee buuxiyey shuruudaha qofka xilka qabanaya xilka madaxtinimo lixda sanno ee soo socota.

Doorashadan ayaa gaar ahaan waxa isugu soo hadhay musharixiin ka soo jeeda qaybaha bulshada ee lagada tiro badan yahay.

 

 

Qowmiyadda Malay ee ay ka soo jeeddo Xalima ayaa ah 13% boqolkiiba marka la barbardhigo shacabka dalka oo gaadhaya 3.9 milyan.

 

Maadama ay Xalima ahayd musharaxa kaliya ee soo hadhay, waxay si rasmi ah ku noqoneysaa madaxweynaha iyada oo aanan doorasho la qaban.

Arrintan ayaa muran badan ka dhex abuurtay bulshada dhexdeeda.

” Waxaan kaliye balanqaadayaa inaan sameyn doono wax walba oo bulshada u wanaagsan taasina ma badelayso inay doorasho dhacdo ama aysan dhicin,” Xalima ayaa tidhi, sida lagu xusay wargeyska Channel News Asia.

 

Haweenaydan oo ah 63 jir ayaa ah Guri-dambeys qoys ka kooban shan qof, waxa la sheegay inay hooyadood ay soo korisay aabo la’aan. waxay ka qalin jebisay Jaamacadda Singapore iyada oo qaadatay maaddada sharciga.

 

Dalka Singapore, Ra’iisul wasaaraha ayaa ah qofka ugu awooda badan dalka, madaxweynaha awood sidaas u weyn ma lahan, hase yeeshe waxa uu leeyahay awoodo muhiim ah.

 

 

Baarlamaanka dalka Singapore ayaa 2016-kii go’aansaday in xilka madaxweynaha la siiyo qowmiyado gaar ah haddii muddo 30 sano ka badan aysan u helin fursad ay ku noqdaan madaxweyne. Markii ugu danbaysay ee uu qof ka soo jeedo qowiyadda Malay uu madaxweyne ka noqdo dalka Singapore ayaa aheyd sanndkii 1970.

Musharraxiinta ayaa codsigooda u gudbiyaa guddiga u qaabilsan doorashada madaxweynaha. Guddiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ugu magacaabay xilka Xalima oo la sheegay inay tahay qofka kaliye ee buuxiyey shuruudaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker