TACSI MADAXWEYNE: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiqaadir Ibraahim Xaaji Cali oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 02/12/2019, Caasimada Hargeysa, laguna aasay.
Mdaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle) oo uu aabihii ahaa Marxuumku iyo dhammaan qoyska reer Cabdiqaadir.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

           

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker