Maayirkii Loo Doortey Degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo La Xidhay iyo Xukuumadda oo Ka Hadashay.

Xuseen Shabeel oo ah nin shalay ay maayir u doorteen qaar ka mida dadka ku nool degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Booliisku xidheen.

Sidoo kale dadka la xidhay waxa ku jira jin caaqil ah oo qayb ka ahaa abaabulka lagu doortay Xuseen Shabeel.

Waxa jiray maalmihii u dambeeyey degmooyin dhawr ah oo ku dhawaaqay cashuur joojin iyagoo ku sababaynaya waxqabad la’aan ay ka tirsanayaan dawladda hoose.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker