SHACABKA SOMALILAND OO ‘ATM MACHINE’ NOQDAY!

Lama arag aduunyada Umada Cashuur Laga Uruuriyo Oo Aan waxba dowladeedu Kuba celin dalkeena Mooyee. Waxyaabhaa dalkeena Ka Dhaca Iyo Nidaam Xumida Dowladeed markaad Eegto AAD ayaad Ula yaabaysaa.
Hadii Aan qiso yar soo qaato oo Maalmo dhawayd Ka dhacday Dhakhtarka Wayne ee Hargeysa Waxaa Oxygens La’aan Ugu geeriyooday Ruux Taaso waalidkii Dhalay si murugo Leh uga waramay. Waxaa Iyana dhacday in madaxweynaha Somaliland Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa Ugu deeqay HAL xaboo Oxygene ah Taaso Waliba warbaahinta la galiyay Oo masuliyiintii dhakhtarku Ka waramaayeen. Hadaba Waxaa is weydiin mudan Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa ma Wuxuu u baahna in Madaxweynuhu Ugu deeqo HAL Oxygen ah Mise in Budget Ku filan u Ansixiyo amaba in Maamulka Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa Lagula xisaabtamo Siday Arintani u dhacday?
Markaad Eegto dhacdadaa yar Waxaa kaaga soo baxaya Nidaam Xumida Dowliga ah ee dalka Ka jirta Iyo Isla Xisbaabtan la’aanta. Ka Gudub, Waxa Somaliland Kusoo badanaysa Iyana Muranka Dhulka Oo Iyana aad arkayso Muwadiniin Sifo Sharciya dhul Ku iibsaday kana Dhistay hooy Oo Dowlada hoose Hargeysa Wixii shuruuc Looga baahna u maray haystana waraaqohoodii Oo Hadana lagala wareegaayo amaba Laga duminaayo iyadoon masuuliyiintii Dowlada Ahaa ee Sharciga usiiyay Aan haba yaraatee wax eedi qabanayn lakiin Muwadinka khasaaro hantiyeed, mid maskaxeeda Iyo mid tacab ahiba Ku dhacayaan. Markaad wax yaabahaas Oo dhan aad Eegto Waxaad is Odhanaysay Shacabka Somaliland Ma ATM MACHINE baa Lacagta uun lagala baxo.
ADEN DEEQ
aden-day@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker