DHALIN AWDALITE AH OO KU HAWLAN MIDAYNTA BULSHADA REER ADAL OO DOORASHADII REEBTAY XANAF BADAN

waxa hubaal ah in lagu jiro bishii barakaysnayed RAMADAAN KARIIM  ee is cafinta iyo nabadayenta( shahrul tooba wa musaamax).

dhalintaa oo u badan indheer garad iyo mutacalimiin ka hufan isir sooc iyo qabaalad

ku suntan aragti fog hufnaan  oo salkeedu yahay midnimo horumal iyo hiigso nolol

ka dib dib u dhac ku yimid bulshada reer Awdal oo ku caan ahayed (DADKAAGA DARYEELO

DANGUUD KU MIDOOBA

ISKAA U DADAAL,).

bulshada Awdal hal dariiqbaa soo gala kana baxa waa dariiqa BORAMA VIA HARGEYSA.

Bada iyo Hawadu waa xidhantahay taas oo aan maanta Dadkeenii masiibada dabeeciga ee

duufaanku ku dhuftay bad, beri, iyo hawo gego diyaaredeed la waayey meel looga gurmado

taas oo bad beri  iyo hawoba godoon yihiin sida magaalooyinkii reer ADAL buhiimka u haa

ee ZAYLAC, LUGHAYA, BAKI ILAA CEEL LAHELAY, waxay noqdeen BARMUUDA wax gala iyo

wax ka baxa lawaayey.reer ADAL oo qaarada africa ahaa zaylac marsadii (sea port )u adeegi jiray

geeska Africa oo dhan.

waa nasiib daro bulshada awdalite la soo deeristay in ay maanta u gurman kari waa yaan

oo ay awoodi kari waayaan adeeg degdeg ah in ay bulshadaa siinaamigu ku dhacay  in ay

ugu gurmadaan taas oo sobob u ah is gaadhsiin laan BAD , BERI , IYO HAWO toona.

tallo iyo tusaale inoogu filin dhibtaa dhacday ee murugada ma hadhada inagu reebtay

ee ilaa maanta oo toban maalmood ka soo wareegeen meel loo maro oo maacuun taakulo

laga gaadhsiiyo lalaa yahay ee lala daalaa dhacayo.

TAAG LAMA WAAYINE

TALLO XUUMAA JIRTA.

dhalinta iyo aqoonyahana bad qaba ka fayaw viriues kaa ina ragadiyey

ee ku abtirsaday QANSAX QADHMUUNE iyo QUDHAC QADHAADHE.

oo dhiig cusub ku shubi doona bulshada Awdal oo dhawaan

lagaga dhawaaqi doono Magaala madaxda gobolada galbeedka

BORAMA CITY.

KUWAAS OO KA HUFAN SIYAASAD IYO QABIIL

KU SUNTAN MIDNIMO

BOOGA DHAYIDII DOORASHADii

IYO HORUMARKA BUULSHA ADAL.

waa dhiig cusub ka madaxbanaan

qabiil iyo kala qayebin.

TAAKULAYEN ADUUN

TALLO MIDNIMO

IYO TAAGEER DADKAAGA

IYO DALKAAGA DAYOOBAY.

waa hadafka muwaadinka

da,da yar ee reer ADAL,

Taas oo dibad iyo gudo

gacan horu mar laga geysan

doono.

RAMADAAN KARIIM

LABA TALOBA TII ROON

RABAW ADAY TAADA

NOQOTAA.

MUSA AW HASSAN LODOON

AWDALI DUBAI.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker