INANTII KA AARGOOSATAY 5-TII WIIL EE KUFSADAY

Safiyi waxay ahayd Gabadh caafimaadka baratay (Nurse) ah oo ka qalin jebisey. Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo Gurigeedii ku soo socota , oo ay goor fiid ah ay tahay , ayaa Gaadhi isa soo agtaagey , oo 2_ dhalinyaro ahi ka soo degeen , kabacdi inta ay isu qabteen ayey Gaadhigii ku riteen , qeyladeedii iyo sawaxankeedii , dheg umay dhigin , inta uu kii xoogga weynaa ee xagga danbe kursiga ku hayey uu feedh iyo dhirbaaxo kala daalaey ayuu ku yidhi : maad aamusi doonta  ? mise waan ku bireeyaa ?Kabacdi Guri Fillo ah ayey la tageen oo meel banaan ah ku yaalla : Kabacdi weyn fuuleen oo wey isu bedeleen muddo 3_ habeen ah iyo maalinteedii iyaga oo wax kolna cabaaya , kolna qayilaaya , oo marba mid ilaalinaayo .
Maalintii danbe ayey meel suuq ah ku soo dhex tuureen . halkii bay iyada oo rafaadsan oo diif badani ka muuqato , xaggaa iyo Makhsinkeedii usii luuday .
kabacdi markii ay seexatay ee nasatay 2 ba casho , ayey go, aansatay in ay ashtakeyso  kuwii fara xumeeyey .
Police-ka ayey tagtey oo istidhi ka soo ashtakee , laakiin ninkii Police-ka ahaa , waxa uu weydiiyey in ay garanayso iyaga iyo Mgacyadooda ? waxay ugu jawaabatay : inaanay garanayn iyaga iyo magacyadooda toona , oo aanay weligeed arag .
Sidaas ayey kaga tagtey Police-kii . waxay u tagtay Garyaqaan . kadibna sheekadii bay uga sheekeysey . isaguna wuxuu ugu jawaabay : jawaabtii ninkii Police-ka ahaa ugu jawaabay ?
Waxay go,aansatay in ay ka aarsato kuwii fara xzumeeyey .
Gurigii lagu kufsaday ayey hor tagtay oo ay ku warwareegtay . waxba way weydey .
kabacdi waxay aragtay Laydhkii Nku qoran . Nambarkii bay soo qoratay . qof ay ka garanaysey ayey ka codsatay in uu u baadho Magaca qofkan laydhkan ku qoran iyo Adreyskiisa . ( waxay ugu sheegtay in ay gabadh ay saaaxiib yihiin uu soo doonay qofkan Laydhkan lihi , oo ay doonayso in ay wax ka ogaato noloshiisa ) . Wiilkii dhalinyarada ahaa Mgacii iyo Adreyskiisii ayuu ku taabtay .
Cunwaankii bay tagtay oo markii ay aragtay isaga oo Guriga sii gelaaya , ayey ka daba tagtay oo ku garaacaday .
Isagii baa ka furay . markii uu wejigweedii aykay ayuu naxay . waxay ku tidhi : waxaan doonayaa , inaan waalidkaa la hadlo oo qaladkii aad igu sameysey aan uga sheekeeyo , oo aad qaladkaagii aad saxdo .
kabacdi wuu baryey in uu debeda kula hadli karo oo uu u sharxo wax badan . ( isaga oo baryootamaaya ) . iyaduna waaba ibtii ay doonaysey .
way ka yeeshey . waxaanay ku tidhi : Gurigii naggee . isaguna aad buu ugu farxay . markii ay Gurigii tageen ayuu is-qaad qaad iyo isla weyni uu bilaabay .
inta ay shandadeedii yara furtay ayey waxay kala soo baxday . caagad yar oo indhaha ayey kaga buufisay , inta uu waxba arki waayey oo uu fadhiistey kursigii . ayey inta ay xagga danbe kaga timi ayey maro qoyan oo hore ugu diyaar ahayd ay sanka iyo afka ay ka saartay
ayuu si dhakhso ah ayuu u suuxay .
Kabacdi inta ay xaggaa iyo Makhsinkii hurdada  u jiiday ayey Sariirtii saartay oo ku xidh xidhay . dharkii oo dhanna way ka saaratay .
markii uu miyir saday ee uu arkay sida uu yahay . ayuu baryey oo muusanaabay oo calaacal iyo baryoba ka dhamaadeen ee uu saacado uu sidaas ku jiray . ayey weydiisay in uu baryadan iyo calaacalkani aanay waxba u tarayn . ee ay ka doonayso in uu su’aalaheeda ka jawaabo iyada oo Record garayneysa .
Waxay waydiisay Asxaabtiisii la kufsatay ; Mgacyadooda iyo meesha laga heli karaayo iyo meesha ay fadhiistaan iyo
wax uu meeraystoba , markii danbe ayuu u sheegay Magacyadoodii iyo halka ay deggen yihiin iyo meesha laga heloba . Markii ay istidhi iminka ayuu runtii sheegay . ayey waxay goysey 2da xidid ee gacmaha . markii uu yara dhiig baxay ee ay aragtay in uu xili yar oo dhaw ku dhimanaayo .
ayey afkana kaga xidhay balastar si aanu u qaylin oo aan codkiisa loo maqlin . waxay ku qortay dushiisana  1/5 .
Gurigeedii ayey iskaga noqotay . Maalintii danbena waxay raadsatay kii 2-aad oo noqday kii xoogga weynaa ee dhirbaaxada iyo feedhka la dhacaayey . waxay soo hubsatay meesha uu fadhiisto iyo saacadda uu yimaaddo iyo waxa uu cabbo .
Kadibna inta ay Niqaab soo gashatay ayey iska dhigtay qof wax iibinaysa oo Sigaar iyo Cday iyo Cadar iibinaysa . kadibna waxay sugtay inta Shaahiisii loo keenaayo . kadibna way dul tagtay oo waxay ka codsatay in uu wax ka iibsado . isaguna wuu diiday .. kadibna inta ay alaabtii iska dhigtay qof ay ka daadatay . ayuu isyidhi la ururi . kadibna Shaahii uu cabaayey ayey waxay ugu dartay Biyo sun ah oo ay sidatay .
kadibna inta ay iska yara fadhiisatay ayey sugtay inta uu Shaahiisa cabaayo .  Markii uu kala badh uub cabay wuu dhacay oo naftiiba laguma soo gaadhin . waxay meeshii dhigtay warqad ay ku qoran tahay 2/5 .
Kii sadaexaadna way soo heshay isaga iyo meesha uu tago iyo meesha uu deggen yahayba .
Maalintii danbe ayey inta ay wadada istaagtay joojisay gaadhigii uu watay oo ay ka codsatay in uu sii dhaweeyo , oo ay tahay gabadh magaalada ku cusub . kabacdina way iska sheekeysteen . mana garanin oo bootar iyo isqurxin ayey iskala soo daashey .
Kabacdi waxuu kula hesheeyey in ay israacaan oo Gaadhiga dhexdiisa ku sameeyaan . way ogolaatay . inta uu meel kayntu jiq tahay tegey
ayey waxay ka codsatay in ay soo yara xaajooto . kabacdina inta ay Gaadhigii dhinaciisa kale u soo wareegtay , ayeyb Gaas madaxa kaga shubtay isaga iyo Gaadhigiisiiba .
Kabacdina wuu gubtay , nafna laguma soo gaadhin isaga iyo Gaadhigiiba sidaas ayey ku hurushoodeen  . warqad ayey meeshee kaga tagtay 3/5
Kabacdi dhawr casho ayey kii 4-aad doondoontay iyada oo Niqaaban oo Miskiinad dawarsanaysa iska dhigeysa . Gurigiisa ayey hor fadhiistay goor Mgaariib ah , isaga oo Gurigiisa soo gelaaya . kabacdi waxay u sheegtay inaanay magaalada cidna ka garanayn oo ay maanta timi ee haddii uu kari karaayo in uu meel seexiyo .
Kabacdi markii uu quruxdeeda arkay ayuu ogolaaday in uu meel seexiyo isaga oo ahaa nin solane ah . kadib markii ay Guriga gashayba waxay indhaha kaga shubtay dewedii buufitaanka ahayd ee qofku aanu waxba arkaynin daqiiqado .
Kadibna Gaas ayey ku shubtay , oo kabriid ayey ku qabatay , isaguna debedda ayuu u cararay isaga oo ololaaya , iyaduna way ka daba baxday oo way baxsatay . dad jaarka ahaa oo xiligaa meesha maraayey ayaa bakhtiiyey oo dhakhtarkii ula cararay . iyaduna meeshee waxay kaga tagtay warqaddii  ay wax ku qori jirtay oo ay ku qoran tahay 4/5 .
Police-kii ayaa wareystey Ninkii dhalinyarada ahaa , markii uu yara ladnaaday , kabacdina waxa uu ka sheekeeyey isaga iyo asxaabtiisii 4-da ahayd ee kale , sidii ay Gabadh ku wada kufsadeen ee ilaa iminka saddex loo dilay isagana ay istidhi dil oo nolosha ku gub . Maalmo kadibna wuu dhintay .
Askartii waxay baadi doontay kii 5-aad oo ay u digtay , oo ay uga warantay sida ay 4-tii asxaabtiisa ahaa ee ay Gabadha wada kufsadeen ay ku danbeeyeen . markaa isaguna in uu taxadiro .Wuu baqday oo wuu isyara dhaafay . waxaabuu soo hor degey Station Police-ka hortiisa oo cuntada loogu keenaa oo uu habeenkiina horseexdaa . qof caadiya mar danbe muu noqon . waxbaa isyara dhaafay .
Iyadiina markay aragtay xaalkiisa iyo siduu noqday . way iska dhaaftay . kabacdi warqad ayey Police-ka magaalada u qortay iyi Ninkii kiiska hayaey.
oo ay uga warantay wixii ay Police-ka iyo Garyaqaankii ay kala kulantay iyo sidii ay u aargoosatay .
iyo iminkana in ay go’aansatay in ay dalka ka tahriibto . markii ay ka aargoosatay 5-tii wiil ee kufsaday .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker