Dalka Uganda Oo Lagu Arkay Cudurka EBOLA +Xukuumada Wadankaas Oo Ka Hadashay

Kampala(OWN)-Dawlada Uganda ayaa xaqiijisay in dalkeeda uu soo gaaray cudurka halista ah ee Ebola oo ka dilaacay dalka ay jaarka yihiin ee DR.Congo. Cudurkan ayaa la sheegay in laga helay cunug 5 sano jir ah oo kamid ah qaxootiga ka yimid dalka DRC oo Axadii lasoo dhaafay tagay wadanka Uganda, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in wiilkan yar hada lagu hayo goob gaar oo lagu dabiibayo.

Dalka Uganda ayaa heegan sare ku jiray tan iyo sanadkii tagay kadib markii cudurkan uu ka dilaacay wadanka DRC. Hay’ada caafimaadka WHO ayaa sidoo kale sheegtay inay dalkaasi u dirtay dhakhaatiir khaas ah si ay ulla dagaalamaan cudurkan.

Wadanka Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, sanadkii 2014 ayey dowlada Sierra Leone oo ay ciidamadeeda kamid ahaayeen AMISOM askarteeda kala baxday Soomaaliya kadib markii uu cudurka Ebola dalkaasi ku faafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker