Qaxootiga Laga Soo Diido Dalalka Skandanvianka Oo Ku Qulqulaya Dalka JARMALKA

Tan iyo intii dawlada Denmark ay aadka u adkeysay bixintii sharciyada magangalyo doontka waxaa maallinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya tirada qaxootiga Denmark dhuumashada kaga baxaya marka sharciga loo diido.

 

Tiro badan oo dadkaas kamid ahi waxa ay galaan wadanka Jarmalka oo la daris ah Denmark inkastoo nasiib daro qaar badan oo kamid ah marka farahooda la helo dib loogu soo celiyo isla Denmark.

 

Booliiska Jarmalku waxa ay dadkan inta badan ku qabtaan tareenka u kala goosha maallinwalba Denmark iyo Jarmalka , Marka uu tareenku soo istaago magaalo xuduudeedka Flensbrug ayuu sida caadiga ah booliisku Jarmalku tareenka soo fuulaa waxaaney bilaabaan in ay dadka oo dhan waydiiyan Baasbooradooda , waana dhif iyo naadir in aaney hellin muhaajiriin sharci daro kugalysa dalkooda.

 

Waxa ay sheegeen booliiska wadanka Jarmalku in ay xuduudka ay Denmark la wadaagaana ay ku qabteen sannadkii 2016 kii 1750 ajanabi ah halka sannadkiii 2018 ka ay tiraadaasi sii korodhay oo ay qabteen 2350 qof.

 

Jarmalka ayaa arinkan ku eedeeyay dawlada Denmark oo uu sheegay in ay sabab u tahay qulqulka muhaajiriintan maadaama oo ay sharciyadoodii magangalyo doonka adkeeyeen.

Waxaanu yidhi mid ka mid ah booliiska xuduuduhu maxay ugu tallin waayeen dadka ay sharciyada u diideen ee baxsanaya, waxaase arintaa ka jawaabtay wasiirka qalobixinta ee Denmark Inger Støjberg oo sheegtay in aaney arinkaas Jarmalka ka caawin karin.

 

Booliiska Denmark ayaa hada raadinaya dad ka badan 3200 qof oo sharciyo loo diiday laakiin aan ka soo xaadirin goobihii lagu hayey.

 

5ta dal ee ay ka soo jeedaan qaxootigii ugu badnaa ee sharciyada looga diidey wadanka denmark intii u dhaxeysay 1/1 2018 ilaa 1/4 20191.

1.Suuriyaan  – 378 qof
2. Afkaanistaan – 269 qof
3. Ciraaq – 265 qof
4. Eritrea – 173 qof
5. Somalia – 163 qof

 

 

Dhanka kale Booliiska wadanka Denmark ayaa sheegay in dhankooda ay xuduudka ay la wadaagaan wadanka Jarmalka ka celiyeen 7800 qof saddexdii sanno ee u dambaysay dadkaas oo doonayey in ay si sharcidaro ah ku soo galaan Denmark .

 

Booliiska Denmark oo saddexdii sanno ee ugu dambeeyey xuduudka ku kaantaroola dadka soo galaya dalkooda yaa sheegey in ay sameeyeen 10 milyan oo baadhitaan , isla markaasina uu dhanyahay qarashka kaga baxay kaantaroolka xuduuduhu mudadaas 275 milyan oo kr.

Xogta warkan waxaanu ka soo helnay goobo kala duwan.

Waxaana isku dubariday oo soo tajumay

Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker