Daawo Booliska Soomaaliya Oo Dad U Qabtay Dilkii Shalay loo Gaystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay dad u soo qabteen dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya, kaasi oo lagu dilay Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

 

Jeneraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliya ayaa sheegay hawlgal ciidanka ay sameeyeen kadib in lagu guuleystay soo qabashada gaadhi la tuhmaayo inay wateen dableyda & laba qof oo falka dilka ah looga shakisan yahay inay gaysteen.

 

Waxa kale uu sheegay Jeneraal Bariise wali inay socoto baadhitaanka dilka Xildhibaan Boqore, islamarkaana aaanuu  rabin inuu ka hor dhaco kiiskaasi dilka ah ee Xildhibaanka loo gaystay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker