Aqlabiyadda Xildhibaannada Minneapolis oo Ogolaaday kala Dirista Booliska Gobolkaasi

Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii in ay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada, tallaabadan oo imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baadhitaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah ka dib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore.

 

 

Sagaal ka mid ah 12-ka xubnood ee golaha deegaanka oo ka qeybgalay debedbax ka dhacay magaalada ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan jiritaanka waaxda bilayska ee Minneapolis. Xubin ka tirsan golaha degaanka, Jeremiah Ellison, ayaa ballan qaaday in goluhu uu “baabi’in doono” waaxda booliska.

 

 

“waa arrin cad in hanaankeenna booliisku uusan ilaalin ammaanka bulshadeena,” ayay tiri Lisa Bender oo ah madaxa golaha deegaanka Minneapolis.

 

 

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa bulshada laga badan yahay ayaa in muddo ahba ku dhaleeceynayay waaxda booliska ee Minneapolis waxa ay ugu yeereen dhaqan “cunsurenimo” islamarkaana aan arxan laheyn kaasi oo hortaagnaa in la sameeyo dib u habeyn .

 

 

 

In lakala diro dhamaanba waaxda booliska ayaa ah mid hore uga dhacday Mareykanka.

 

 

Sanadkii 2012-kii ayaa magaalada Camden ee gobolka New Jersey waxa ay kala dirtay waaxda booliska magaalada, iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub oo suga amaanka magaaalada. Sidoo kale magaalada Compton ee gobolka CA ayaa tallaabo ceynkaasi ah sameysay sanadkii 2000.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker