Somalia iyo Kenya Keebaa War war laseexan la, Marka La eego Natiijada Muranka Badda ee Laga sugayo Maxkamadda ICJ

Bishan September 9 keeda, dalkeenna Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagi-doonaa maxkamadda cadaaladda adduunka ee dalka Holland.

Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya kusoo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib, oo ah September 11, 2019-ka.

Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda. Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Haddaba, dooddan cusub ee 9ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Meelaha ugu muhiimsan ee biyo-dhaca doodda ah waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo.

Inkasta oo Kenya ay sheegtay in dhulbadeedka muranka gelisay ay maraakiib ku baartay, ilaalana ka aheyd muddo dheer, laakin waxaa la ogaaday in dhaqdhaqaaqa uu ahaa sanadkii 2014-kii, oo muranka kadib ah, dhammaan khariidada la hayo ilaa gumeystihii waxaa ay caddeynayaa in dhulkaasi badda ah ay leedahay umadda Soomaaliyeed.

Taariikhda Cabirka Biyaha: Laga soo bilaabo 1952 waxaa mar walbo soo baxayey cabirro iyo sharciyo kala duwan oo lagu badbaadinayo dhulbadeedka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Biyo goboleedka(Territorial sea), Aaga dhaqaalaha(EEZ), Qalfoof qaaradeed(continental shelf) ilaa high sea, kuwaas oo ahaa 1958-1982. Waxaa kale oo jiray xeerar soo baxay 1969, 1972, 1977 iyo 1982, kuwaas oo qeexaya xuquuqdeena dhulka, biyaha, cidda iyo xataa agaagga xorta ah.

Marka laga soo tago qareennada caalamiga ah, kiiskan badda waxaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey arrintan khubaro Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u soojeeday sidii loo heli lahaa dhammaan caddeymaha ay Soomaaliya u baahantahay si ay hesho xuquuqdeeda badda,

waxaa la hayaa dhammaan khariidadaha, heshiisyadii iyo sharciyadii ay galeen labada dal iyo xataa sida la ahaa xilliga gumeystaha ee Angelo Italilan, taasi oo keentay in qareennada ajaanibta ee Soomaaliya garabkeeda taagan uu qalbigooda ku dagey iney guuleysan-doonaan.

Haddaba, Wax Ka Baro Qareennada Difaaca Soomaaliya:

Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker