Jawaab sax ah: Kii doonaya warkii shiikh Isxaaq ibnu Ahmed Alhashimi

Hordhac

Maqaalkan waxaan kaga jawaabayaa waydiimo iga soo gaadhay dad u baahan in si cilmi ah loogaga
jawaabo waydiimo la xidhiidha shiikh Isxaaq ibnu Axmed Al Hashimi. Waydimahaa waxaan helayay
mudo si toos ah iyo si dadban labadaba, Maanta oo taariikhdu tahay 23/7/2019 ayaan goostay inaan
qaar ka mid ah ka jawaabo. Waxaa iga afeef ah, Maadaama ninka laga hadlayaa uu yahay shiikh
caalim ah wuxuu leeyahay sharafta culimada, maadaama uu yahay waalid ay ku abtirsadaan
malaayiin qof wuxuu yeelanayaa sharafta waalidnimo, maadaama uu yahay ahlubeytkii rasuulka scs
ah wuxuu leeyahay sharaftii ahlubeytka. Intaas oo Sharaf ah qofkii ilaaliya ee si Sharaf leh suaalo u
soo bandhiga wuxuu xaq u yeelanayaa in si cilmi ah loogaga jawaabo.

 

Waydiimo ku haboon in lagawarceliyo
1-Shiikh Isxaaq ma ahlubeytka rasuuulka ayuu ahaa?
Jawaab: haa,
isga ayaa sheegtay inuu ka soo jeedo duriyadii xuseen ibna Cali bin abiidaalib. Dadkii uu waqtigaa la
noolaa ee kala deganaa Ciraaq, Xijaas iyo yaman arintaa way ku yaqaaneen oo kula dhaqmeen isaga
iyo reerkoodiiba. Ahlubeyt waxa sharci ahaan ah Xaasaskii nebiga, cidii ka muslintay reer banuhashim
oo ah (reer cali, reer caqiil, reer jacfar, iyo reer cabaas), waxaase arintan gunteeda fadhiistay wixii
nebi scs ku abtirsaday oo ah Faadumo xasan, xuseen iyo cali oo wiilasha aabohood ahaa. Dhinaca
islaamka nasabka waa la ixtiraamaa, diin ahaan waa la simanyahay, qof waliba cidda uu yahay ayuu
ku abtirsadaa, kii wax kale sheegta waa ku dembi aakhiro iyo mid aduunba. Shiikh Isxaaq wuxuu
sheegtay reerka saadada ah ee ku abtirsada Cali ibna xuseen(zayn caabidiin), wuxuuna ahaa shiikh
beeni ka dheertahay sidaaa ayaa muslinkii uu la noolaana ku ixtiraameen. “ muslinoo run sheeg
muslinka kaloow rumayso” waa maahmaah soomaliyeed.

 

2- Nasabka shiikhu miyuu galaa Xasan alcaskari?
Jawaab: Maya,
Abtirsiimada Shiikh Isxaaq waxay ku soo aroortay kutub laga qoray oo ay ugu facwayn yihiin kitaabka
Alcasjad almanduum fii taariikhi wal culuum (Maxamed Xasan Albasri), iyo kitaabka Alyaquut (Cali
ibnu yahya ibnu Maxamed Alkhusaaci). Kutubtaa waxaa indhihiisa ku arkay oo ka qoray cilmi baadhis
Shiikh reer Marooko u dhashay oo noolaa aakhirkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad, oo
magiciisa la odhan jiray Seyid Maxamed ibna Axmed Alqarbaani. Abtirsiimada kutubtaa ku soo
aroortay waa tan hoos ku qoran. Waxa daraasad iyo dib eegis ku sameeyey qolyo ku takhasusay
abtirsiimada saaddada. Maqaamka Maydh waxaa la ii sheegay in yaaliin qoraalo gaboobay oo
waafaqaya kuwa Yaman ka yimi. Wixii intaa khilaafsan ma garanayo sida iyo meesha ay ka
yimaadeen.

 

3 Maxay Shiikh Isxaaq qoyskoodu uga soo haajireen Ciraaq, waa maxay dhibka ka haystay dawladdii
cabbaasiyiinta oo iyaguba ahlubeyt ahaa?
Jawaab: Sida lagu yaqaan dhaqanka carabta xukunka waxay u yaqaaniin hanti uu reer leeyahay,
reerkaasi wuu difaacdaa hantidiisa. Reerka dhexdiisuna wuu isku dilaa marmarka qaar. Qof kasta oo
looga shakiyo inuu halis ku yahay xukun reer haysto waa la beegsadaa. Diirada noocaas ahi waxay
qaban jirtay hashimiyiinta ayaamihii dawladii umawiyiinta waa sababta keentay gumaadkii
ahlubeytka dhacdadii Karbula ee lagu dilay xuseen sanadkii 61 h. Dawladii cabbaasiyiintu waxay ka
dhalatay kacdoon lagu doonayey in khilaafada muslimiinta loogu gacan geliyo reer banihashim, waxa
kaloo la filayay in ay talada qaban doonaan reer reer Cali bin abiidaalib. Waxaase taladii gacanta u
gashay reer Cabdillahi ibna cabbaas markii uu ku dhowaaqay khilaafadii cabbaasiyiinta amiirkii ugu
horeeyay Cabdillahi bin Mohxamed bin Cali Bin Cabdillahi ibna cabbaas (al safaax). Diiraddii waxa
markan la dulsudhay reer Cali bin abiidaaliib oo qaar ka mid ah oo dareen laga soo sheegay. Waxa
Ciraaq lagu qaqabtay oo dil iyo xadhig mutaystay koox uu hogaaminayey Maxamed bin cabdillahi bin
Xasan bin Zayd oo ahaa reer Xasan bin cali bin abiidaalib waxa kooxdaa laayey amiirkii labaad ee
cabbaasiyiinta. Isla hanaqaadkii dawladda cabbaasiyiintaba caliwiyiintu waxay noqdeen qaar la
beegsado haddii tuhun yari galo. Tuhunada iyo dilkuba way sii bateen mar kasta oo ay khilaafaddii sii
gabowday. Diiraddii Amiirkii cabaasiyiinta Almustad-har billahi alcabbaasi(487-512 h) waxay qabtay
Maxamed Ibna Xuseen oo degganaa duleedka Samraa oo ahaa Shiikh Isxaaq awoowgii. Awoowgaas
ayaa hogaamiyey geedi loogu hijroonayo Madina oo ay ka qaybgaleen 93 qof oo qoyskiisii ahaa oo uu
ka mid ahaa shariif Isxaaq oo ahaa qiyaastii 15 jir.

 

4- Muxuu ka shaqayn jiray shiikh Isxaaq?
Jawaab: Maalintii uu hanaqaaday ilaa maalintii uu xijaabtay marka la eego shiikh isxaaq waxa uu ka
shaqaynayey arimha diinta islaamka, Maka iyo Madina wuxuu labadaba ka noqday macalin diineed,
quraanka, xadiiska, fiqiga, carabiga iwm. Hijradii labaad ee yaman wuxuu markiiba noqday macalin
diineed ilaa uu u gudbay shiiikh ama mufti u shaqeeya boqortooyada. Markii uu Saylac yimi wuxuu
noqday Macalin diineed iyo imaam masaajid, muftiga saylac ayuu noqday. Markii uu Herer yimi
wuxuu fadhiistay booskii muftigii weynaa Yaxya bin saleebeen. Wuxuu noqday mufti iyo sheiikha
dadka wax bara, maalintii uu ka baxay waxa xertiisa lagu qiyaasay in ka badan 2000 oo ruux.
Markii shiih Isxaaq magaalada Maydh soo degay wuxuu bilaabay inuu asaaso Markas diineed,
masaajidkii ayuu dhisay, barashadii diinta ayuu abaabulay, dadkii iyo dhulkiiba ilaahay ayaa ku
anfacay. Waxa intaa u dheerayd wuxuu asaasay shirkad fooxa u dhoofisa oo uu u bixiyey Maydi oo uu
isagu lahaa. Magacaa Maydi ilaa maanta waa laga isticmaalaa gobolka sanaag iyo degmada Maydh.
Magacaasi waa calaamad ganacsi oo u asaasay shiikhu oo dhigma calaamadaha ganacsiga ee maanta
jira (Trade mark).

 

5-Muxuu Shiikh Isxaaq nasabkiisa u qariyey markii Afrika yimi?
Jawaab: Markii uu shiikhu yimi Saylac wuxuu sheegatay shiikh isxaaq ibnu Axmed, xataa magacicii
reerka alhashimi wuu iska dhaafay, sababtu waxay ahayd dhibaatooyinkii uu kala kulmay keliya inuu
ku abtirsado ahlbeyt, taas oo boqorrada inta badan aanay jeclayn kuna dhibaatayn jirreen. Wuxuu
rabay bal in uu mar uun dhibkaa uu la rafaaday ka nasto. Qofka ahlubeytka ah dadka jeclaan jiray
dabeed saamayn ayuu yeelan jiray, markaa ayaa boqorradii hinaase geli jiray. Dawladii cabaasiyiinta
ayaa markii ay dhalatay waxay faafisay in xukunku ahlubeytka kaga maqnaa baadil mudo qarni ku
dhow cidkalena aanay xaq u lahayn iyaga mooyee. Markaa ayaa boqorkii meel xukumayayba iska
eegay dadka ahlubeytka ah.

6-Shiikha Isxaaq wuxuu soo weriyey in wiil ay ilmaadeer ahaayeen oo la odhan jiray Maxmed seyid
Ismaciil uu u fasiray waxyaabo mustaqbalka dhici doona oo shiikhhiina rumaystay, siday taasi u dhici
kartaa?
Jawaab: Arimaha qaybku Ilaahay ayay u gaar yihiin ciddii uu ogaysiiyo ayuun baa ogaata. Shiikha taas
wuu ogaa oo isagaa dadka bari jiray, wiilka uu la kulmay ee Maxamed seyid Ismaaciil iyo shiikha
laftiisuba waxa ay fasiri jireen waxay ahaayeen riyooyin ay arkeen iyagoo khalwada iyo cibaadada ku
fogaaday. Midkoodna awood uma lahayn daalacashada qaybka Ilaahay wax Ilaahay tuso mooyee.
Maxamed seyid ismaaciil wuxuu ahaa nin qaangaadh ah oo masaajid tujiya.
7-Skiikh Isxaaq ma wuxuu macasha qaban jiray libaaxyada, oo amar siin jiray oo la ciyaari jiray?
Jawaab: haa,
Badhtamaha magaalada Herer ayaa goor saqdhexe ah la arkay isagaoo libaax aar ah macasho haya
oo amar ku siinaya inuu kaxaysto raxantiisa oo ka boxo magaalada, amaana bixiyo, isna uu amaan
helayo, sidii ayaana dhacday. Tani maaha mucjiso ee waa aqoon loo leeyahay in lala hadlo
xayawaanka xadguba iyagoo lagu joojinayo digri ilaahay oo sharci ah. Arintani waxay waafaqsantahay
shareecada islaamka, habka loola dhaqmo xayawaanka. Nebigu scs nin awrkiisii dad cun ka noqday
ayuu caawiyey inta uu awrkii la hadlay oo hoggaan ku qabatay ayuu ninkii u dhiibay oo ku yidhi awrkii
saaxiibka raac oo ha khilaafin. Haddii uu gurigaaga mas galo waxaad kula hadli digri waxaanad u
tilmaami meel uu ka baxo, markiiba dagaal ku bilaabi maysid. Marka la eego nolosha caadiga ah
waxaynu aragnaa dad xayawaan khatar ah iskala socda oo salaaxaya sida yaxaaska, maska kubraha,
libaaxa iwm. Kuwaasina waxay raacayaan xeerar maadi ah.
Dhinaca soomaalida wuxuu yidhi abwaanka Hadraawi heesta sirta nolosha
Dhulka iyo wixii saaran
sare iyo wixii laalan
Inta sudan intee seeman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Waxa hadhay salka iyo baarka
Inta sool qarsoon joogta
Inta seel xidhxidhan jiifta
Inta saydha waabayda
Maroodiga siddaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda
Inta laga subxaanaysto
Kulay tahay libaax sayn leh
Kolka aad sahraay meel fog
Uga suuldhabaalayso
Degdeg inay sujuudaada
suxulada dhigtaan weeye
sidashada awoodaasi
sahal iyo wax fudud maaha
qofba waa si garadkiis.
Sidaa ayaa shiikh Isxaaq garashadiisa iyo digriga Alle ugu maamulay xayawaanka khatarta ah
Gegebo
Qofkii sualo jawaabahan la xidhiidh hayaa wuxuu igala soo xidhiidhi karaa emailka hoos ku qoran
Tixraac
1Tafsiir ibnu kasiir(suuratl axsaab)
2 Bidaya walnihaya Ibnu kasiir (bilowgii khilaafaddii Cabbaasiyiinta)
3 Siiradiii seyid Isxaaq inba axmed (makhduud) Seyid Mohamed ibna Ahmed Alqarbaani
4 Dheemankii lagu maamuusay maydh Mohamed cabdi Daauud 2012
5 Hal karaan(sirta nolosha) Moxamed Ibraahim Warsame, Hadraawi
6-www.alnssabon.com

 

 

 

Jimce 26/7/19
Maxamed Abokor Yuusuf
Email. mohmed.abokor@yoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker