Hooyo ogolaatay inay iibiso ilmaheeda uurka ku jira

Hooyo u dhalatay waddanka Afgaanistaan, ayaa ogolaatay inay iibiso ilmaheeda uurka ku jira, iyada oo dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ku jirtaana ay ku khasabtay xaaladan.

Sida ay sheegtay hay’adda Save The Children, koox ka ganacsata carruurta ayaa la sheegay in ay ka iibsanayaan.

Sheekooyinka noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan dalka Afgaanistaan, iyada oo waalidiinta saboolka ahna ay qaadayaan tallaabooyin quus ah si ay u sii noolaadaan.

Save the children ayaa sahan ay dhawaan sameysay kula hadashay sodon qoys oo dhawaan ku badeshay cuno, lacag si ay u helaan adeegyada aasaasiga ah.

Xog ururinta hay’addu ayay ku ogaatay in 121 kun oo carruur ah lagu iibsaday dalkaas, tan iyo bishi Augusto ee sannadkii 2021-kii.

Haweenaydan go’aansatay inay iibiso ilmaheeda oo magaceeda lagu soo koobay Nusheyn, waa 36 jir, waxa ay la nooshahay ninkeeda iyo shan caruur ah oo ay dhalleen, waxa ay ku nool yihiin gobolka Lusam ee waqooyiga Afgaanistaan, uurkeedu hadda waa lix bilood, balse ninkeeda Casiis waxa uu sheegay in aanay haysan wax kale oo aan ka ahayn inay iibiyaan ilmaha uurka ku jira, si ay u sii noolaadaan.

Burburka dhaqaale hoos u dhaca joogtada ah, abaarihii sannadkii hore ayaa sabbabay cunto yari aan hore loo arag, oo ka jirta dalka Afgaanistaan.

Inta badan qoyasku waxa ay waayeen qaybo iyo dhammaan dakhligoodii, mana awoodaan inay iska bixiyaan qiimaha sarre u kaca ee cuntada iyada oo dagaalkii Ukraina uu qiimaha badeecadaha ee adduunka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker