Heego oo soo casuuntay awoowgii musqmaasuqa Nigeria iyo qaarada Afrika…

Heego oo soo casuuntay awoowgii musqmaasuqa Nigeria iyo qaarada Afrika mar waanu ku qosolay sida ay local u yihiin marna waanu ka naxnay lacagta  CANSHUURTA DANYARTA ee la siinayo awoowga musuqmaasuqa Africa , Madaxweyihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo maalin dhexdaas wuxuu waraaq furan u qoray Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari . Madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay ” As grandpapa for corruption chief Obasanjo letter is purely to rescue in corruption business ” , Awoowga musuqmaasuqa horjooge Obasanjo waraaqdiisu waxay ahayd inuu badbaadiyo musuqmaasuqa laftiisa tasoo uu Madaxweynuhu sii raaciyey  ” Olusegun Obasanjo  is  90-year-old liar and we go teach him big political lesson ”  waa sagaashan jir beenaale ah darsi siyasadeed baanu u dhigi donaa.

iyadoo xafiiska Madaxweyne Muhammadu Buhari  Isniintii uu sheegay in Madaxweyne hore Jaalle Olusegun Obasanjo uu baahan yahay Cilaaj iyo dhakhtar u hagaajiya maskaxdiisan isku dhex yaacday “

President Muhammadu Buhari office on Monday say former President Olusegun Obasanjo need doctor to fix  his confused mind.”

Wuxuuna ku gabagabeeyey Madaxweyne Muhammadu Buhari in Jaalle Obasanjo dhidibada u taagay hoogamin xumida Nigeria

” Obasanjo laid foundation for bad leadership in Nigeria

Muhammadu Buhari”…… Yeelkeede

Muwaadin waxaad ogataa inayna dadka noocan ah ee hadalka madhan iibiyaa iskama socdaan bilaash kuma yimadaan daqiiqada ay hadlaan waa lacag waa sidii Jaalle Michael Rubin ninka ay u shaqayso Marwo Ayaan Xirsi cali  dadka noocan ah Fee bay ku hadlaan Dollar bay ku khudbadeyaan  Jaalle Michael Rubin iyo Jaalle Obasanjo waxay ku iminayaan Somaliland inta u dhaxaysa $150.000 ilaa $ 250.000 Dollar wax ka yar booking agent ( Dilaal ) kasoo jawaabi maayo E-mail-kaaga waar dad baa haraad ku dilay Somaliland hadana bandoo la saaray dadkaa haraadani miyaanay lacagtaa canshurtooda ah kaga xaq lahayn nimankan dhargay ee hadalka iibinaya ….

Taan kasii naxay waa Jaalle Muuse Biixi Cabdi isagu waa local oo ninkan waxay ugu sheegayaan inuu yahay Jaalle Nelson Mandela oo isagu geeridii nabiga عليه افضل الصلاة والسلام ma oga lakiin ninkii international ka ahaa ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaan arkay oo telefoonka Video ka duubaya Jaalle Obasanjo oo ku faraxsan sidii  uu arkay Jaalle Nelson Mandela , subxaan… ta intaba ka daran ninkan dalkiis lacagtaa lagu maydhaa money laundry beri dhawyto Nigerian ku way yimadeen Hargeysa markii beesha caalamku qaylisay ayey yaceen waxaanu aaminsanahay ragii bankii bugta ahaa ee gabadha Chinese ka ihi wataday  inay Nigerian ahayeen Muwaadin Heego haday lacag ku maydho Hargeysa xawaalada ayaa Somaliland oo dhan ka joogsaneysa.

Waar lacgata tuugan la siiyey ma la siiyo Boqorka Afrika Buurmadow iyo Suldaan Dhawaal xusul dhaqaaqay xurmadiisu leeyahay labadaa oday intii waxoogaa loo dhiibo  la yidhaahdo arrinka naga soo afjara.

Hadii lagala maarmi waayo lacagtaa in jareer wayn la siiyo ma lagu heshisiiyo  Marwo Fartuun Balbalaarka Iyo Jaalle Xasan Top DurDur Media oo isku dhacay ma lagu heshisiiyo tasaa faacilu khayr uga dhaw………..LACAGTA CANSHUURTA DANYARTA HALOO TUDHO

 

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker