Somaliland Oo Qunsuliyad Ku Yeelanaysa Dalka Turkiga

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo mudooyinkii u dambeeyay socdaal-shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan kula qaatay Dalkaasi Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga .

 

Wasiir Abees ayaa kulan la qaatay laba masuul oo kala  ahaa Xoghayaha Arimaha Afrika U Qaabilsan Turkiga Ahmed Rıza iyo Uqaabilsanaha wada hadalka Somaliland iyo somalia Olgan Bekar

 

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda arrimaha dibadda Ee Turkey-ga, ayaa waxaa ay lagaga wada hadlay, Sidii loo adkayn laha xidhiidh-ka ka dhaxeeya labaa dal, isla markaana loo furi lahaa xafiiska Somaliland ay ku yeelan doonto Turkey-ga,iyagoo taas-na  soo dhaweeyay.

 

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Msasuuliyiintan ayaa sidoo kale ka wada xaajooday Deeqaha waxbarashada, Mucaawinooyinka, Biyaha,Wadooyinka,Beeraha iyo Arrimo kale.

 

Ugu dambayn Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawwi si af-garad .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker