Golaha deegaanka baligubadle ma Handaraabkiibaa soo gaadhay

Buuq iyo jaho-wareer ayaa ka  taagan Degmada Baligubadle ee xarunta Gobalka Hawd, ka dib markii 23kii bishan kalfadhi aan caadi ahayn xubanaha golaha deegaanku xilkii kaga qaadeen  maayerkii hore  ee Degmada Baligubadle  Cabdi Iimaan Jaamac,  Iyagoo maayer cusubna u doortay  Aadan Cali xasan,  ayaa waxaa Ku gacan saydhay maayirkii hore  ee xilka laga qaaday, isagoo garab ka helaya  badhasaabka gobal Hawd  Yaaasiin Axmed shide, isagoo Ku andacoonaya, in uu isagu yahay  maayerka Degmada oo aanay  aanay xildhibaanadu awood u lahayn ay xilka kaga qaadaan, iyo inuu sito warqad ka timid wasaaradda arrimaha gudaha taas oo golaha deegaanka Baligubadle lagaga mabnuucayo, inay qabsadaan kalafdhi aan caadi ahayn,   halkaana waxaa ka dhashay buuq iyo cadho xooggan oo gacan ka hadal isu bedalay markii danbe, dad ay  nabarro ka soo gaadheen dhagxaan ay tuurayeen dadweyna ka gadoodsan arintaas, waxaana halkaas Ku sugan ciidamo RRU ah kuwaas oo la rabo in loogu cago-jugleeyoSharci wata,  lagana hor ustaago xuquuqdooda darstuuriga ah ee sharcigu siiyey

Hadaba  waxaa iswaydiin leh  warqadda amarka ah ee la sheegay inay wasaaradda arrimaha gudaha ka soo baxday, ma mid golaha Deegaanka Baligubadle oo kaliya khusaysaa? Hadii ay  jawaabtu haa tahay, waa maxay sababta loo cuskaday, inaanay muddo 8 bilood ah shir kalfadhi qabsan karin, iyadoo ay  xildhibaanadu kalfadhigooda sifihii sharciga ahaa umaray waa kee  qodabka u baneeyey badhasaabka gobalku inuu yidhaahdo tayda unbaa shaqaynaysa oo ninka  anigu aan rabo unbaa noqonaya maayir,  goormaa xeerkii iyo sharcigii deegaanka la laabay oo  wadanku isu badalay XUKUN MILLATERI

Dawladu faraha ha kala baxdo golaha deegaanka oo u madax banaan cidda ay dooranayaan iyo cidda ay ridayaanba
Ciidanka iyo caga juglaynta siyaasadaysanna halaga daayo hadii kale wixii halkaa ka yimaadda waxaa ka masuul ah badhasaabka Gobalka iyo wasiirka arrimaha gudaha faragalinata Ku haya xildhibaanada  xildhibaanada hawlahooda .

Damal Hawd

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker