Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha iyo Taariikhda Laacibka Mohamed Salah

Dad badan ayaa Aaminsanaa inuusan Laacibkan Maxamed Saalix ka soo bixi karin kubada Premier League, laakiin haatan waxa uu ka mid yahay Weeraryahanada ugu fiican Dunida. Mohamed Salah waxa uu ka soo bilaabay meesha ugu hooseysa, waxa uu haatan Taagan yahay meesha ugu sareysa.

 

 

Cidna ma Xaqiri karto in Mo Salah uu yahay Weeraryahan weyn, waxa uu ciyaaray labo final oo Champions League ah isagoo mid ka mid ah qaaday, waxaa laga dhacay Ballon d’Or, laakiin safarkii uu u soo maray inuu noqdo Boqorka Masar ma aheyn mid fudud.

 

Maxamed  Salah waxa uu ku dhashay Deegaan Najrij oo ku yaala waqooyiga Masar halkaasoo ay degan yihiin dadka Xoogsatada ah, waayihiisa ciyaareed waxa uu ka bilaabay inuu ka ciyaaro booska daafaca bidix.

 

 

“Hal kulan waxaan la ciyaarnay koox xoogan, waxaana ku badinay 4-0. Salah waxa uu Qasaariyay shan fursadood oo kala duduwan , Orodka dheer ee uu soo galay ayaana u sabab aheyd. Ciyaarta ka dib Salah waxa uu bilaabay inuu ku dhex ooyo qolka labiska isagoo ka Qoomameynaya fursadihii uu qasaariyay.

 

Wixii maalintaas ka danbeeyay waxaan go’aansaday in Salah uu ka ciyaaro booska garabka midig ee weerarka.” ayuu yidhi Said El Shishini oo ahaa Tababarihiisa.

 

 

Isbedelka dhanka booska uu ka ciyaaro ayaa sabab u noqotay inuu kulankiisii ugu horeysay ee koox weyn uu u ciyaaro kooxda  Kooxdaas oo ahayd El Mokawloon ee Horyaalka heerka koowaad ee Masar sannadkii 2010.

 

Markii uu waayihiisa ciyaareed sarre u kacayay, kubada cagta Masar ayay musiibo soo wajahday Sannadkii 2012 ka dib markii uu mudaharaad ka dhacay garoonka Port Said iyadoo ay ku dhinteen 74 ruux. Kubada cagta dalkaas ayaana la joojiyay.

 

 

Waa markaas markii ay kooxda reer Switzerland ee FC Basel ay soo Codsatay  Mo Salah, waxaana uu durbadiiba wacdarro ka dhigay kooxda isagoo gool dhaliyay kulankiisii ugu horeysay ee Horyaalka.

 

 

Waxa uu ku guuleystay labo Horyaal oo dalka Switzerland ah  oo isku xiga Sannadihii 2013 iyo 2014. Salah waxa uu ka soo baxayay naaneestii loogu yeerayay ee aheyd Messi-ga Masar.

 

Laakiin sheeko walba waxay u baahan tahay laadar, waana Jose Mourinho. Salah ayaa labo gool ka dhaliyay kooxdii Mourinho ee Chelsea tartanka Champions League iyadoo Blues ay 18 milyan doolar ku soo iibsatay xiddigan Reer Masar.

 

Laakiin Jose Mourinho wuu iska indhotiray tayada Mo Salah isagoo ku ilaaway kursiga keydka laakiin Mo Salah ayaa ka daalay inuu sugo in Mourinho uu fursad siiyo, wuxuuna amaah ugu wareegay kooxda Talyaaniga ee Fiorentina. Taasoo u aheyd dib u socod marka loo eego horyaalka iyo kooxdaba.

 

 

Salah wuxuu qabay 99 dhibaato laakiin dhameystir ayaa aheyd midiisii ugu weyneyd. Wuxuu u shaqeeyay si adag mudadii uu joogay Viola waxa uu ku guuleystay dhameystirka kubadaha halka halka ah, dhameystirka kubadaha xagasha qaloocan, dhameystirka darbooyinka gantaalka ah.

 

 

AS Roma ayaa aragtay wacdarraha uu Mo Salah u dhigayo Fiorentina durbadiina waa ay la wareegeen. Salah ayaa kalsoonidooda ugu abaalguday goolal iyo caawin. 34 gool iyo 22 caawin 83 kulan uu saftay.

 

 

Liverpool ayaa 44.5 milyan doolar ku soo iibsatay Mohamed Salah bishii Juun 2017 isagoo markaas ahaa xiddiga ugu qaalisan taariikhda Liverpool. Sannadba sannadka ku xigay Mo Salah waxa uu sameeyay horumar weyn oo farsamadiisa ciyaareed iyo awoodiisa jir ahaaneed ah.

 

 

Qoomamada kaliya ee uu tababare Jurgen Klopp qabo maanta waa inuusan la soo wareegin xilli hore.

“Waxaan ka horimaanay isaga markii aan joogay Dortmund isagoo u ciyaarayay Basel, ma aanan garaneynin, waxayna igu noqotay amakaak markii aan arkay qaab ciyaareedkiisa” ayuu yiri Jurgen Klopp.

 

 

Klopp ayaa isku dayay inuu Salah la wareego 2013 laakiin Chelsea ayaa kaga hormartay. Klopp waxa uu ogaa in Mo Salah uu leeyahay tayo badan oo uu taageerayaasha kaga yaabsan karo.

 

 

 

“Waxa kaliya aan iska indhotirnay waxay aheyd waqtigiisii Chelsea. Ciyaartoy badan ayaa soo bandhigay inay ku rafaadeen Chelsea sida Kevin de Bruyne.”

 

 

Salah iskama uusan qasaarin fursadiisii labaad ee Premier League, xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay waxa uu dhaliyay 32 gool. Ilaa iyo haatan waxa uu horyaalka ka dhaliyay 91 gool iyo 32 caawin 144 kulan uu u ciyaaray Reds.

 

 

 

Wuxuu u qaaday koobkoodii lixaad ee Champions League, halka uu haatan qarka u saaran yahay inuu Reds ku hogaamiyo horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 30 sannadood ah.

 

FALANQAYNTA CIYAARAHA HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker