Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Maanta iscasilay

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland .

Madaxweyne Biixi ayaana aqbalay warqadda iscasilaada ee wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha.

Sababta is-casilaada Faratoon ayaa lagu sheegay in uu u tartamo doorashada golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in uu berri diiwaan geliyo musharaxnimadadiisa.

Waa mas’uulkii labbaad oo saacado gudahood iska casila xil uu ka hayay Somaliland, waxaa hore isku casilay Afhayeenkii madaxweyne Muuse Biixi, isagoo isku soo sharaxay doorashada golaha wakiilada Somaliland.

Somaliland ayaa waxaa ku soo foodleh doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa golaha wakiilada, taasi oo ay ku tartamayaan musharixiin ka kala socota xisbiyada ka jira dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker