Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Una Magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed

Muqdisho(OWN)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Suleymaan, wuxuuna xilkaas u magacaabay Avv. Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

 

 

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday,” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, isagoo horay u soo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

 

Dhamaad

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker