Xukuumada oo Beenisay Warbixin ay soo Saartay Qaramada Midoobay

Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland, Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif ayaa sheegay in ku dhawaad sagaal kun oo qoys ay ku barakaceen duufaantii dhawaan ku dhufatay xeebaha dalka Somaliland.Gudoomiye Cabdikariim waxaa uu beeniyay tirada dadkii ku barakacay dagaalka degmada Tuka-raq ee gobolka Sool oo qaramada midoobay ay sheegtay inay dhan yihiin 150-kun oo qof waxaanu yidhi “Ma heyno boqol iyo konton kun oo qof iyo wax u dhaw in ay dagaalka Tuka-raq ay ku barakaceen, arrin siyaasadeysan ayuu kaasi u dhaw yahay umana dhawa”

 

 

“Dhibaatooyin baa xeebaha dalka ka dhacay, waxaanay saameysay lix gobol oo ka mida gobolada dalka, saameynta duufaantu haku kala badnaate, gobolka Sanaag, gobolka Saaxil, gobolka Marroodijeex, gobolka Gabiley, gobolka Awdal, iyo gobolka Salel, lixdaa gobolba way saameysay, dhibaatada ugu weyn ee miisaankeeda lihi waxaa ay gobbolka Awdal, gaar ahaan degmada Lughaya iyo inta hoos timaada oo dhimashada iyo khasaaruhuba uu ku badnaa, marka leysku daro gobolka khasaaruhu fadhiistay waa gobolka Awdal, waxaa ku nafwaayay 50 qof 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen, beero umay nabadgelin, xooluhuna boqolkiiba sideetan meesha waa ay ka baxeen, sagaalkun oo qoys in ku dhaw ayaa ku barakacay, guryihiina waa ay ku baaba’een, waxyaabihii danta caamka ahaa sida Iskuuladii, xarumihii hooyada iyo dhalaanka gabi ahaanba waa ay ku baaba’een”

 

 

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay qorshaha ka hay’add ahaan uga meel yaala sidii loo helilahaa tirada saxda ah ee barakacayaasha Somaliland waxaanu yidhi “Anagu 9-ka kun maahe barakacayaasha dalka oo dhan oo 150-kun oo qoys ku dhaw ayaanu dooneynaa hawshooda inaanu imika galo, hay’adda waa hay’add cusub oo qorsheyaal badan ayaa u socda, qorsheyaal badan ayaa noogayaal waxaanu rabnaa in todobaadada inagu soo foolka leh, inaanu helo tirada saxda ah ee barakacayasha Somaliand, si loo fahmi karo wixii loo qaban karo”

 

Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland,

Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker