Sacdaalkii Samawade ee Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan ciro uu UK Ku Joogay oo Guul Ku soo Afmeermay.

Gudoomiyaha oo dalkan Ingiriiska yimid 6/10/18 .Isagoo ujeedada socdaalkiisu uu ahaa mahadnaqa Xisbiga ee UK iyo Yurub hawshii cusleyd ee doorshadii Sannadkii hore ,dardar gelinta iyo dib u qaabeynta Maamulka Xisbiga iyo xogwaran guud ee xaalada dalka.Waxaa

Safarkan oo qaatay muddo LixTodobaad ah gudoomiyuhu uu la kulmay qaybaha kala duwan ee jaliyada Somaliland ee UK, dhamaan garabada Haweenka dhalinyarada, laamaha gobolada iyo kuwa magaalada London  ee Xisbiga Waddani.
Waxaanu uga waramay hadafka iyo higsiga Xisbiga ee mustaq balka,qaab dhismeedka cusub iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa geediga iyo hayaanka dheer ee hanshada hogaanka dalka.
Waxaa xusidi muddan martiqaadkii uu gudoomiyuhu ka helay  wakiilka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Ayaan Cashuur oo markii ugu horeysay ee Masuul Xisbiga Waddani ka tirsan ay soo dhaweeyaan Xafiiska wakiilka Somaliland.
Gudoomiyuhuna wuxuu uga mahad geliyay soo dhaweynta iyo xidhiidhka isu soo dhawaanshaha wakiilka Somaliland iyo Xisbiga Waddani UK.
Gudoomiye Cabdiraxmaan ciro waxaa kaloo uu la kulmay Baralaamanada dalalka Ingiriiska iyo France oo u martiqaad ka helay. Sidoo kale wuxuu magaalooyinka Bristo iyo Sheffield kulan kula qaatay councillors  iyo Maayirka magaalada Sheffield Mayor Nagid. Oo u dhashay Somaliland.
Waxayn ka wada hadaleen dhamaan madaxdaas xaalada guud ee Somaliland, horumarka iyo geedi dimuquraadiyada.Wuxuuna Socdaalka Samawade2 ku soo dhamaaday guul iyo farxada.
Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker