Maxay tahay digniinta adag ee milateriga Israa’iil u diray Xisbullah?

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay ku dhaqaaqi doonan sidii ay Xisbullah uga saari lahaayeen xadka ay la wadaagaan Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarradooda, sida uu ka digay wasiir ka tirsan Israa’iil.

Benny Gantz ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii caalamka iyo dowladda Lubnaan aysan joojin weerarada ray ka fulinayaan waqooyiga Israa’iil.

Rasaasta ay isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Waxay taasi keentay walaac laga qabo in iskahorimaadka Qaza uu noqdo mid ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

“Xisadda ka jirta xuduudda waqooyiga Israa’iil waa in xal loo helaa,” Mr Gantz ayaa sidaas ka yiri shir jaraa’id habeenkii Arbacada.

“Haddii caalamka iyo dowladda Lubnaan aysan wax ka qaban si looga hortago weerarka lagu hayo dadka degan waqooyiga Israa’iil, ama aan Xisbullah laga fogeynin xadka, IDF ayaa tallaabo qaadi doono.” ayuu raaciyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker