Ciidamada Ilaalada Xeebaha JSL Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Laba Taag Oo Ku Soo Xad Gudbay Biyaha JSL

Ciidanka Ilaalada xeebaha Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay labo Taag oo ah nooca maraakiibta Soo xidha oo si sharci daro ah ugu soo xadgudbay biyaha badda Somaliland.

Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa kusoo xidhay labadan taaga saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha Berbera kadib markii ay dhaqdhaaqooda la socdeen ilaa 5-tii bishan iyagoo ku jiray biyaha Somaliland kadib markii ay kasoo talaabeen xadka biyaha ee aynu jabuuti wadaagno

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha saldhiga Berbera Gaashanle sare Haarun Siciid Cali ayaa sheegay inay labadan taag biyaha somaliland kasoo galeen xadka aynu la wadaagno dalka jabuuti 5 bisha intaasi kadibna ay dhaqaaq ka wadeen biyaha badda somaliland .

Ciidanka ayaa xusay inay labadan taag ka diiwan gashan yihiin wadanka Togo ee galbeedka Afrika, Waxaana Saaran 23 shaqaale ah oo u dhashay wadamo kala duwan .

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in Shaqaalahaasi ay ka gaabsadeen inay Macluumaadkooda la wadaagaan ciidanka iyo waaxda faraca badda ee dekeda Berbera .

Labada taag ayaa lagu kala magacaabo Gladiator iyo Hercules ayaa lagu baadhaya xarunta guud ee ciidanka uu ku leeyahay Berbera .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker