madaxweyne Muuse biixi maxaa la gudboon ? Habeeno isu-eg maalmo isu-eg. by Adan Nokia

Madaxweyne muuse biixi wuxuu la wareegay duruufo aad u qalafsan oo dalka haysta iyo weliba carqalado badan oo kale oo isaga horyiiley,waxaa la filayey inuu furdaamo u helo mushkiladahaa ,weliba fursadna waa la siiyey, in kastoo uu wax badan qabtay,hadana mushiladaha kale ee xukuumadiisa soo kordhisay ayaa culays kale ku sii noqotay,kuwii horena waa halkoodii. maxaa khaldamay intuu joogay madaxweynuhu.
1.Madaxweyne muuse waxaa laga eegayey inuu soo dhiso wasiiro garbo leh oo dalka qaadi kara,khibrad u leh shaqada,in kastoo daacadnimadu kow tahay oo wasiirada cusubina nadiif u eg yihiin,hadana bilaa khibradu waa sidii qof waxbarsho bilaabay,muddo ayuu xogta iyo shaqada baranayaa waxna wuu sii xumayn karaa.
2.muuse waxaa laga rabay inuu colaadaha damiyo,wuxuu bilaabay mid cusub.
3.madaxweynaha waxaa laga rabay inuu dadka kala irdhoobay debed iyo gudo ee aan xaflad iyo shir toona isgu imanayn inuu isu so jiido oo xal u helo,xisbiyada mucaaradka inuu soo jiito,taasna weli kama hayno,waaba kasii dartay.
4. Arrinta afraad waxaa weeye wasiirkii dhaqanka ayaa lagu qabsaday inuu buug aflagaado hore loo yidhi oo weliba uu yidhi ninkii laga sheegay waa ka dhaartay ayuu hadana buug ku qoray oo kaydiyey,waxay ahayd wasiirku inuu faaf-reeb ku sameeyo buugga,dibna u daabaco,ama ka takhaluso,hadduu garan waayey madaxweynuhu inuu soo galo ayey ahayd.
xirfada qoraa-nimada,run-sheegistaiyo dhexnimda marka laga yimaado waxaa jira shuruuc iyo dembiyo kale oo ka dhalan kara.taariikhda ina cabdulle xasan nin ingiriis ah oo ku lid ah ayaa buug ka qoray si hufan oo dhexdhexaad u eg ayuu u qoray,waxaa isna buug kale ka qoray nin reer sool ah weliba xukuumadii ina barre kharash badan gelisay,buugaa dambe wuxuu noqday mid lagu dhaliilay in aanu dhexdhexaad ahayn,waayo wuxuu u xagliyey xaafadiisa in kastoo ay u badnaayeen ciidanka,hadana wuxuu meesha ka saaray doorkii togdheer oo ahaa halka laga aasaasay daraawiish (oodweyne) iyo golihii sare oo u badnaa togdheer (beer),sidaa kale wuxuu meeqaam hoose ku sheegay daraawiishtii shabeelooyinka iyo jareer-weyn oo dhawr dawladood isugu tageen marnabana aan guul laga soo hoyn. waan ku dheeraday sheekadiiye Sayid maxamed wuxu ahaa halgamaa aftahana oo geesi ah,sidoo kale axmaq mujrim ah dad badan laayey qaarkood intuu xeryo u sameeyey gaajo ku dilay xarunta dhexdeeda ,wax kastoo laga qoro intaa waxna kama dhimi karto waxna kuma kordhin karto,taariikhdana lama dhalan rogi karo ama sooyaal ha yimaado ama sheeko kale halla keeno.
5.Madaxweynaha waxaa laga rabay inuu talooyinka qaato inkastoo albaabkiisu furan yahay hadana waa dhegayste fiican,talada waxaa lagu xamanayaa in koox gaar ahi la goyso,waxay u eg tahay in kooxdii guusha la dhalisay,gacanta ku hayaan oo dhahayaan annaga noo daa anaga ayaa naqaane,waxaanayse ogayn in marar badan guushu aanay ahayn taad moodayso,wadanka ingiriiska xubnihii ka saray yurub way ka wada tageen xilalkii markii ay xaalad aan lagu tala-gelin soo food saartay xagga ganacsiga iyo nolosha,sidoo kale C/lahi yuusuf waxaa laga hayaa:”haddaan sidan moodayo soomaali kursiba uma qabteen” hadalkuna wuxuu ku dhan yahay taladii prof.samater ee ahaa haddaan dadka la midayn meel fog baa laga dooni.
6.Madaxweynaha waxaa laga rabay is beddel adeeg dawladnimo inuu keeno,taana weli fari kama qodna,xafiisyada dawladda,dawladaha hoose,maxkamadaha iyo xataa golayaasha meel hufanaan leh ma jirto,waa run waxbuu dhaqdhaqaajiyey laakiin daawadii lama helin,xanuunkiina waa halkiisii.
Madaxweyne muuse biixi waxaa la gudboon:
1.inuu dadka mideeyo (caddaalad iyo talada oo lawada leeyahay stake-holders) how..?
2.inuu kalsooni ka kasbado bulshada (dammaanad inuu dhigo) how….?
3.Dad wax soo kordhin kara oo laga aamin yahay in aanay habeenkiiĀ  tiriiyada (06333..) ka hadlin inuu keeno
shacabka maxaa la gudboon ? doontu hadday degto waa lawada degi,cidna dani uguma jirto dawlad xumo iyo dawlad la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker