Baroordiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar, xaaskiisa Ruqiya Xasan iyo carruurtooda oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan; dhammaanba tafiirta reer Cali Muuse Cilmi oo ku baahsan daafaha caalamka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Wajaale, iyaga oo ka tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee aabbo Cali Muuse Cilmi oo maalintii Salaasadii oo ay bishani Diisambar ahayd 15ka/ 2020ka ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Waxayna baroordiiqdaasi si gaar ah ugu dirayaan: ubadkiisii iyo tafiirtooda iyo dhammaanba ehelada kale ee ku sugan dalka Somaliland iyo dibadiisaba – waxayna si gaar ah uga tacsiyaynayaan; walaalkood Injineer Maxamed Cali Muuse iyo reerkiisa oo deggen magaalada Ottowa ee dalka Kanada (Canada).
 
Waxayna Ilaahay ka baryayaan, in uu aabbe Cali Muuse geeyo jannadiisa Firdowsa; ubadkiisa, ehelada iyo asaxaabtana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 
Allahayoow Aamiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker