Aduun yada’tan dheeligu galoo dhinac u liicaysa,By maxamed jeex

Maanta waxaan rabaa inaan qoraal yar oo kooban kaga hadlo sida aan u fahansanahay cadaalada & wakhtigan dhibaatada,qaylada,sarwaxanka ka taagan dalkeene,hadaba waa maxay sobobta wax looga qaban laayahay cadaalada darada ka qaylisineysa umada badan oo maanta kunool wadankeena.

Diinta islaamka Cadaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm, waxaana lagu xusay Quraanka iyo Axaadiista marar badan, sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay wax laf-dhabar u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed iyo midka qowmiyaheedba. Fikradda cadaaladda waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin andacooyin la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladdu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf, waana mid ay tahay in loo wada sinnaado, dadka dhanna ay u qabato si isku mid ah.

Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay rag badan oo aduunyada magac weyn ku lahaa sida Qadaafi iyo Xusni Mubarak iwm. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.

2) In aadanahu u sinnaado nolosha.

3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixidda masuuliyadda bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadidda tallaabooyin dhab ah sida bixinta zakada, hadiise ay jirto in ay baahida bulshada ku filnaan weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Waxaa muhiim ah cadaalada la kaashado si nabad, degenaan & midnimo lagu gaaro. Cadaaladuna waxa ay keentaa dhamaan intaas hadii ay ahaan laheyd horumar, nabad, karti iyo sinaan in wax lagu wadaago iwm.

Waxaan soo qaadanayaa gabay somaliyeed: Raggaan dheesha tumayoo aduun idinka dheereeye,Idhagaysta talo dhiiran baan idin dhahaayaaye,Naftu maalintay kaa dhacdoo dhinac ilaah joogto,waa lagaa dhaqaaqino qabraa lagu dhigaaayaaye,dhaqaa lahaad lahayd oo dhanbaan dhibic ku raacayne,Dhalaan kaad dhashiyo waalid waa kala dhumaysaane,Dhex yartaad jeclayd baa nin kale dhaxal sugaayaaye,Dhalasha kuwii kuu xigaa xiran dharkaagiiye,Adiguna dhakh’saad helin dhambaal aan dhayal ahayne,Camalkii aad dhigataa qabriga kuugu soo dhicine,Dhalan’teed hadii uu ahaa waa ku dhibayaaye,Asagaa dhim bilihiyo ka daran dhuub lagaa jaraye,Ninkaan’diinta dhigan waa dhadhamin dhamacdi naareede,Dhagta fura dhambaal’kaani waa dheef ninkii 

 

Hadaba xaalada maanta dalka somaliland ay mareyso may tahay tii sxda ahayd ee isku wada keeneysay bulshada kuwada nool wadanka? Ta labaad gobolada Awdal,Salal,galbeedka gabiley,sool , buuhoodle & sanaag bari waxaa maanta ka taagani cid kasta oo joogta somaliland wey ogtahay,sidaasi darteed cadaalad daradaa ay tirsanayaan bulshada intaas leegi ma waxaan odhankarnaa waa been???

Gobolada beesha dhexe laftoodu aad ayay u badan tahay iyaga laftoodu ma waxaan odhan karnaa cabashadaa waxba kama jiraan???

Waxaan kusoo gabo gabeynayaa labo qodob oo muhiim ah in la fahmo mudana in lagana hergeliyo dalka cadaalad ahaan kuwaa oo keeni kara guulo waaweyn.

 

 

By Maxamed jeex

Maxamed-1970@hotmail.com

JSL Borama 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker