MADAXWEYNE GOBOLKA SELEL HAKA DHIGIN MEEL CARUURTU LUUFKA KU BARATO.

Madaxweyne marka hore naga guduun salaamad iyo Samo la kulan.

waxaanu kuu soo gudbinaynaa khalkhalka, Dhibaatada  iyo Jaho wareerka Gobolka SALAL
iyo Xuduuda Jibuuti waa mid ku kooban oo aan Madhaafsiisnayn GUDOOMIYAHA Gobolka.
Madaxweyne Gudoomiye Gobol (Governor) Wuxuu u dhigmaa Wakiil (Amabasador),
Xilkaasi wuxuu qaataa oo Huwadaa Calanka Qarranka.
Maaha Xil ay tahay in shaqo qarran laga bilaabo. REER Selel iyo Shaqaalaha guud ee Gobolka
Madaxweyne Dib ugu noqo Mowliid waa tallo HUFAN oo adiga Dowladaad iyo Xusbigagaba u fiican
Madaxweyne Qarranka ha qaawin haddii Jibuuti aragtay Mowliid bal yaan Ethiopia arkin.
Madaxweyne Soomaliland kamaad waayin nin weyn oo Gurgurshaa ah oo xilkaas u qalma.
Gobolka kadaa Layliliga.
xuquuqda siyaasadeed tan shaqaale iyo tan bulsho tan dhaqaale, tan sireed ee qarran, 
tan jaarnimo iyo haybada dawladaba  Ceeb ayuu ku yahay.
 
madaxweyne Qofkaad jeceshahay ha dilin, 
Fadlan u dir Koorso tabobar iskuul ka sharciyada iyo sida dowladu loogu shaqeeyo.
 
Badhasaabka SALAL Madxweyne waad ku guuldaraysatay.
Waxaa Gobolku kaaga fadhiyaa Gurgurshaa…
JABUUTINA waa laga xidhay oo qoraal baa laga soo saray in aan lala macaamilin Gobolka
inta MOWLIID kuu joogo….
Shacabka, nabadgelya, ganacsiga, dakhliga, iyo isu socodka labada wadan ayuu fitno ka abuuray.
madaxweyne Been qaawan iyo xaalad abuur malo awaala ayuu kuu sheegay adiga iyo
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Generalka Booliiska wuxuu hafrayaa shaqaalihii dowlada wuxuu isticmaalyaa 
Awooddo khaldan oo uu ku gabanayo gudoomiye nimo wuxuu qabanayaa shaqadii immigrationka, tii dowlda hoose, tii ciidanka
booliiska iyo Ciidanka xeebaha  IWM  ma shaqo gudoomiyaa?????…
 
 
Gobolkani uma baahna noocan baaskeelda gurigaagaa lagu bartaa..
Mowliid Gobolka SELEL haka dhigin meel Goolibaadhka lagu barto…
 
MUDANE MADAXWEYNE
TALADAASI MEELAY GAADHABA WAAD XUSUUSAN HADAADA WAX KA QABAN
Waa Nasteexo
 waxaa adag in lagu gaadho ama
xamse.moh1@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker