Khudbadii Madaxweynaha JSL Ee daah-furay wejiga 2aad ee Mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland SDF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa  dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah  Ingiriiska,  Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray  sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha  Saaxiibka la ah Somaliland  inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan   Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay  nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker