Waxbarasho bilaash ah oo aan ahayn bilaash!

Sannadkii 2010kii waxaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawaaqday in dhammaan dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawladdu ay yihiin lacag la’aan, isla markaana arday kasta oo Somalilander ah uu heli doono waxbarasho bilaasha oo tayo leh.

Wakhtiga ay dawladdu ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa ardayda dugsiyada dawladda laga qaadi jiray lacag ka yar $2 doollar, balse xaalku wuxuu ahaa mid ka sii daray uun, bilaashkii wakhtigaas lagu dhawaaqayna hirgalkiisii muu noqon mid lugo adag ku taagan, waayo maalintii lagu dhawaaqay illaa maanta dugsiyada dawladda ardayda lacag ayaa laga qaadaa, iyadoo weliba ay sannad kasta korodho, waxaana intaasi u sii dheer lacago kale oo iyaguna marmar ardayda si gaar ah looga qaado, sida dayactirka iskuulka, abaaraha, nadaafadda, i.w.m.

Ardayda dugsiyada dawladda dhigata intooda badan waa kuwo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee tahli kari waayay in ay wax ka bartaan dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Somaliland gudaheeda waxbarashadooda la ammaano.

Wixii ka dambeeyay markii xukuumaddii Kulmiye ee 2010 ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa uu ahaa qodobka ugu weyn ee xisbiga iyo xukuumadduba ku faanaan, iyadoo danyartuna ay garan la’dahay bilaashka la sheegayo halka uu ka hirgalay.

Dhawr jeer oo la waydiiyay xukuumadda Somaliland sababta uu u hirgali waayay in bilaash ay noqoto waxbarashadu, waxay ku adkaysteen mas’uuliyiintu in waxbarashadu lacag la’aan tahay oo aanay ogayn meel ardayda lacag lagaga qaado.

Maxaa sababay in lacag la qaado?

Sannadkii 2010 dawladdu markii ay ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay, sidoo kale waxaa iyaduna ay ballan-qaaday in macallimiinta dugsiyada dawladdu ay si joogta ah ku heli doonnaan mushahar ku filan. Macallimiinta ayaana mushahar ahaan u qaata lacag dhan $100 doollar.

Si aan ugu kuurgalo sababta illaa hadda loo qaado lacagta dugsiyada oo ay dawladdu rumeysan tahay in ay bilaash yihiin ayaa waxaan tagay dugsiyada dawladda qaarkood si aan u soo hubiyo arrimaha keenaya lacag qaadista iyo waxa kallifaya. Waxaan la kulmay macallimiin iyo maamulayaal kala duwan, sidoo kale waalidiinta qaar ee arrintan ka cabanaya ayaan la sheekaystay.

Waxaana iiga soo baxday in sababta keenaysa lacag qaadista dugsiyadu ay tahay sidan:

  1. Macallimiinta oo aaminsan in aanu ku filnayn mushaharka dawladdu
  2. Baahiyaha dugsiyada dawladda, sida nadaafadda iyo biyaha oo aanay dawladdu bixin
  3. Macallimiinta oo u bartay lacagta ay ka helaan ardayda, iyagoo caado ka dhigtay
  4. Dawladda oo aan mas’uuliyad iska saarin dabagalka ballan-qaadkii ahaa in dugsiyadu bilaash noqdaan.

 

Waxaan sidoo kale la kulmay waalidiin lagu soo eryo ardaydooda marka ay kala raagaan lacagta dugsiga, iyadoo taasina ay tahay arrin kale oo warwar ku haysa waalidiinta danyarta ah.

Ardayda haatan waxaa laga qaadaa lacag dhan 35,000 oo shilinka Somaliland ah taasi oo u dhiganta $4 doollar, waa in ka badan libin-laab lacagtii laga qaadi jiray waagii xukuumaddu ku dhawaaqday bilaashka.

Waxbarashada iyo COVD19

Wakhtigan hadda lagu gudo jiro xanuunka faafaya ee COVID19 goobaha waxbarashadu waxay ahaayeen kuwo xidhan oo fasax ayaa la galay, dawladduna waxay sheegtay in ardayda loo qiimeyn doono imtixaankoodii hore.

Waxbarashada waxay ardayda intooda awoodi karaysay ay kala socdeen Raadyaha iyo Telefishanka mana jirin dugsi iyo goob waxbarasho oo la tagay muddada fayraska koroona lagu gudo jiro. Waalidiiinta ayaa filaayay in aan wax lacag ah laga qaadi doonnin labadii bilood ee ay ardaydu fasaxa ahaayeen maadaama aanay ardaydu tagin dugsiyada, balse taas baddalkeeda waxaa haatan dugsiyadii dawladdu ay doonayaan lacagtii ay horeyba u qaadan jireen weliba labadii bilood ee fasaxa ahaa ayay doonayaan in halmar la isku raaciyo taasi oo xisaabta ka dhigaysa ardaygiiba libin-laab.

 

Waxaana xusid mudan in xanuunkan uu dhaqaalaha qoysas badan uu dhibaato weyn u gaystay, isla markaana ay adag tahay xal u helidda lacagaha libin-laabka ah ee waxbarashada dawladda. Waxay ahayd wakhtigii ay dawladdu lacago iyo nolol ay u raadin lahayn danyarta aan haysan wax ay cunnaan.

Maxaa la gudboon dawladda?

  • In dawladdu si dhab ah u fuliso ballan-qaadkeedii ahaa, waa bilaash waxbarashadu.
  • In dawladdu ay kafaalo qaaddo daryeelka iyo dayactirka dugsiyada si joogta ah.
  • In macallimiintu ay helaan mushahar ku filan oo ay kaga maarmaan lacagta ay ka qaadanayaan ardayda danyarta ah.
  • In dawladdu ay si dhow ula socota habsami u socodka waxbarashada dugsiyada dawladda.

 

Fiiro gaar ah:

Waxaa xusid mudan in dugsiyada sare ee dawladdu ay yihiin kuwo lacag ah oo aanay weli dawladdu ku dhawaaqin in ay bilaash noqdaan.

Dhammaad

Khaalid Foodhaadhi

Hargeysa, Somaliland

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker