Itoobiya Oo Sheegtay Iney Tplf Ka Qabsatay Waddo Halbowla Ah

Ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira fallaagada daacadda u ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qabsaday waddo istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada Woldia iyo caasimadda Tigreega ee Mekelle, sida ay sheegtay shabakadda Fana.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qeyb ka ahaa howlgalkii lagu qabsaday wadada weyn ee istiraatiijiga ah.

“Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayaa la wareegay ” Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,” ayuu lagu yidhi Fana.

Fana ayaa intaa ku dartay: “Qaar badan oo kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee TPLF ayaa dhowr jiho lagu jebiyay, qaar kale oo ka badbaaday weerarka culus ayaa si fuleynimo ah ugu gurtay meelo badan, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askar badan oo ka tirsan TPLF.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker