GOBLAN TALO ADUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY, qormadii 7 aad.

Hadaba isweydiintu waxay tahay sodon (30) sano kadib, Muxuu noqday cawaaqibka ka dhashay Hardankaas dhax maray labadaas dhinac? Waxaan qabaa, balse laga yaabaa in dad badani igaga ra’yi duwan yihiin in Cawaaqibkii Noday sidan,

1. Soomaaliya oo burburtay, ayna kasoo dhex baxeen toban (10) dawlad-qabiileedyo tabar darran, oo midkastaana sheegato Madaxweyne, Calan, Barlamaan, Golle wasiir, iwm, kuwaasoo dhamaantood looga wada arimiyo/taliyo xarunta Ethopia ee Addisbaba, Ethopia-na u yaqaana walaalahood, iyaguna midba kan kale cadowgiisa koowaad u haysto.
2. Kheyraadkii dadka Soomaaliyeed lahaa oo shisheeye guranayo, iyagoo ka gaajaysan,la’na tabar ay iskaga celiyaan
3. Badihii iyo dhulkii Soomaaliyeed oo noqday meel qashinka dunida lagu qubo,
4. Ethopian iyo Kenyaan ku amar-ku-taaglaynaya Caasimaddi Muqdisho iyo Villa Somalia dhexdeeda, iyadoo shacab iyo Madaxba iyaga magan loo yahay, duniduna wax ka weydiiso masiirka Soomaaliya.
5. Dhiigii dadka Soomaaliyeed oo noqday waxa keliya ee dunida ugu qiimaha daran ee maanta jooga, oo sidii la rabo loo qubo, laysna weydiin.
6. Astaanta dunidu ku garato dadka Soomaaliyeed oo noqotay, budhcad-badeed, argagixiso, dawlad la’aan, qaxootinimo, hoygii qashin-qubka dunida, iyo Dewersi
7. soo bixitaanka hogaamiyayaal siyaasadeed, oo siyaasadda iyo madaxtinimaddaba u yaqaana in maal badan la urursado, shisheeyahana basaasiin loo noqdo. .
Tan ugu daranise waxay tahay, mustaqbalka hubanti la’aanta ah ee aynu wajahayno dal ahaan, iyo sida aynu u mooganahay, qafladdana ugu jirno, Waayo, siyaasiyiintii dalkani waxay noqdeen basaasiin iyo shilin-gurato, aanay wax damqasho ahi ku haynin xaaladaha jiraa, aqoonyahankisiina wuxuu u qaybsamay kuwo dalka iskaga cararay, kuwo siyaasiyiintu ku adeegtaan,iyo kuwo qabiil hoos galay, halka Tujaartiisiina ka fekerayaan macaash uun, balse, aan werwer ka qabin mustaqbalka dalka uu macaashka ka rabo iyo waayaha ku xeeran toona, shacabka laftiisu waa kuwo dayaysan, kuna dhex wareeray wadciga iyo waayaha jira hadimadooda,una kala qoqoban siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha sebenkan jooga ee damiir laawayaasha u badan.
Xaqiiqatan, marka sawirkeenu sidan yahay, iyana waxaa barbar socda shirqooladda ay inoo maleegayaan shisheeyuhu, oo ay ku jiraan kuwa aynu deriska nahay, iyo kuwa quwada lihiba, balse, inagu aynu u naqaano saaxiibadeen, inta badana inagula shaqaysta Xeeladda ah Qaybi oo Xukun, marba kan ay la joogaan ayay saaxiib isaga dhigaan, iyagoo la xanta Soomaaliga kale, balse, xeeshoodu intaas way kasii gun dheer tahay, waxayna sawir ahaan u eg tahay dhacdada uu gabayaagii Faarax Nuur ee reer Balli-Gubadle ku sharaxay Tuducan: (Booraan Afkii laga qufulay qabarna hooseeyo, Qosol been ah, fool wada qayaxan qiil aan garanaayo, nimaad qali, qamuunyada ka dhowr, foolasha u qaawi, doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, ma anigaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono.). Arimahani waa maxsuulkii ka dhashay hardankii awoodeed ee dhexmaray Keligii Taliyaha iyo Jabhadihii ka horjeeday, oo in badan oo inaga mid ahi ay jabhadhaas u yaqaanaan Mujaahidiin, halka, in kalena, ay Keligii Taliye Barre u yaqaanaan inuu ahaa wadani dalka dhisay oo daacada. Balse, labadeena qoloba, Nasiib darro, waxaynu Jibbo bilaa dhaxal ah, u haynaa kuwii masiirkeena iilka u qoday, ee ina baday tahriibta, barakaca, qaxootinimada, mustaqbal la’aanta iyo inay dunidu jiritaankeena ka mashiiqsato, oo inagu wiirsato, waxaana hubaal ah in jabhaddahaas iyo keligii Taliyuhuba ay ahaayeen Isma dhaanto iyo Dhasheed, ninkii doonaaba ha ka doodee.
.
La soco qaybta 8 aad ……………..

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-lucky)

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker